Wariyaha TV-ga qaranka Soomaaliyeed-SNTV ee dalkan Norway, Xasan Said Raasto ayaa la gudoonsiiyay bilada abaal-marinta shaqsiga sanadka 2016 ee hey´ada CTR(Center for Treatment and rehabilation). CTR ayaa ah hey´ad ka dhisan woqooyiga dalkan Norway, gaar ahaan magaaada Tromsø. Waxaana CTR bixinta abaal-marintan kala qeybqaatay isbitaalka woqooyiga dalkan Norway.
Xaflada gudoonsiinta abaal-marintan ayaa shaley ka dhacday magaalada Tromsø, waxaana kasoo qeybgalay dad kala duwan oo ka kala yimid dhamaan daafaha dalkan Norway. Baashe Muuse(Ap-Oslo), Ismaaciil Axmed(Høyre-Trondheim), Seynab Mohamud(Qoraa soomaali ah), odayaasha iyo madaxda jaaliyada Tromsø iyo dadweyne kale oo tiro badan ayaa shaley goob-joog ka ahaa xaflada Raasto lagu gudoonsiinayay bilad abaal-marinta shaqsiga.
Shaqo-dadweyne oo muhiim sanadkii 2016:
Hey´ada abaal-marinta bixisay ee CTR ayaa sheegtay in Raasto uu sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan dalkan Norway uu u qabtay shaqooyin muhiim ah, sidaas darteedna ay u doorteen inuu yahay shaqsiga sanadka 2016. Iyaga oo sheegay inay muhiim tahay in la xuso dadka bulshada soomaaliyeed boosaska muhiimka ah ugu jiro.
Hambalyo Xasan Raasto



