torsdag, mars 28, 2024

Wargeyska Dagbladet oo 6 bilood kahor sii saadaaliyay in Hassan Kheyre xil muhiim ah uu ka qaban doono Somalia

Waxaa maanta xilka reysulwasaarinimo ee dowlada Soomaaliya loo magacaabay Hassan Ali Kheyre oo ah muwaadin soomaali-norwiijiyaan ah, heystana dhalashada labada wadan.

Hadaba arinta yaabkeeda leh ayaa ah in wargeyska weyn ee Dagbladet uu 6 bilood kahor sii saadaaliyay in  Hassan Ali Kheyre uu xil wasiirnimo ka qaban doono dalka Soomaaliya, doorashada kadib. Iyaga oo markaas soo xiganayo Stig Jagle Hansen(sawirka) oo ah cilmi-baare noorwiiji ah, kaas khibrad dheer u leh arimaha Soomaaliya.

Xiliga uu Dagbladet maqaalka soo daabacayay, waxey aheyd 2.August.2016. Xiligaasna wali lama dooran baarlamaanka cusub ee Soomaaliya. Dagbladet ayaa qoray in Hassan uu kamid ahaa dad la rabay inay xilil ka qabtaan doorashadii hore ee Soomaaliya, laakiin ay suurto-gali wayday. 

Sidaas darteedna ay suurtogal tahay in Hassan Kheyre uu xil wasiirnimo qabto doorashada baarlamaanka Soomaaliya kadib. 

Halkan kasii Akhri maqaalka siidaalinta wargeyska Dagbladet ee xiligaas. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x