Darawalada buss-aska dadweynaha ee magaalada Trondheim, ayaa bari oo isniin ah sameyn doono shaqo joojin ka bilaaban doonto saacadu marka ay tahay kl 10:00, kuna eg kl 13:00.
Shaqo-joojintan darawaladu ay sameeyaan ayaa khuseyo dhamaan noocyada kala duwan ee bussaska magaalada.
Darawalada ayaa ka cabanaya in loo diiday iney si wadajir ah xiliga pausaha(nasahada) isku meel ugu wada qaataan. Waxeyna sheegeen inay xiligaas shaqo-joojinta ugu aadiyeen, si ay saameyn ugu yeelato dadka ugu yar, maadaama xiligaas ay magaalada kala dagantahay.
Xigasho/kilde: Adresseavisen.no
[adsenseyu2]