fredag, mars 29, 2024

Wareegto: UNE iyo UDI oo lagu amray inaysan ilaa amar danbe gaarin, go´aan ku saabsan sharci kala noqoshada dhalashada

Wasaarada dastuurka iyo amniga dalkan Norway, ayaa wareegto ay soo saartay ku amartay hey´ada laanta socdaalka ee UDI-da iyo hey´ada kale ee UNE, ineysan ilaa amar danbe gaari karin, go´aan ku saabsan sharci kala noqoshada dadka heysto jinsiyada wadankan Norway(Passportka guduudka). 

[adsenseyu2]

Wareegtadan ayaa waxaa lagu xusay in hey´adahaas ay sii wadi karaan baaritaanka iyo ka shaqeynta kiisaska la xiriira arintaas, balse aysan go´aan ka gaari karin ilaa amar danbe. 

Arintan ayaa kusoo aadeyso iyada oo lagu wado in dhawaan baarlamaanka Norway la horgeeyo mooshin ku saabsan in awooda sharci kala noqoshada, loo wareejiyo maxkamado madax banaan. 

Khamiistii lasoo dhaafay ayuu gudiga baarlamaanka ee kommunal-komiteen arintaas dood ka yeeshay, waxaana lagu wadaa in baarlamaanka la horkeeno isbuuca koowaad ee bisha Maarso. Mooshinkan ayaa heysto cod aqlabiyad ah oo uu ku meel-maro, hadii baarlamaanka la horgeeyo, maadaama uu taageero ka helay xisbiyada, SV, Ap, Sp, MDG, Venstre iyo KRF. 

Xigasho/kilde: UDI-Regelverk.

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x