torsdag, mars 28, 2024

War deg-deg ah: Hooyo soomaali ah oo maanta dabaq iska soo tuurtay Grønland Oslo

Waxaa maanta magaalada Oslo, gaar ahaan xaafada Grønland dabaq iska soo tuuray gabar soomaali ah, ahna hooyo dhashay caruur. 

Gabadhan ayaa hada kujirto isbitaalka weyn ee Oslo, iyada oo xaaladeedu ay tahay mid stabile ah, waxeyna dadka aan warka kasoo xiganeyno noo sheegeen in maanta gabadha la marsiiyay dhowr qaliin, ayna ku yaalaan dhaawacyo dhowr ah. 

Sida dadka aan warka kasoo xiganay ay noo sheegeen, hooyadan soomaaliyeed ayaa ah mid horey ula kulantay dhacdo kale oo uu dhaawac hore kasoo gaaray. 

Waxaa maanta magaalada Oslo la galiyay in gabadhaas ay geeriyootay, laakiin ilo xog ogaal ah, lagu kalsoonaan karo, kana agdhow gabadha dhacdada la kulantay, ayaa NorSom News u xaqiijiyay in warkaas uusan aheyn mid xaqiiqada waafaqsan. Isla markaana ay hooyadan soomaaliyeed ay hada kujirto isbitaalka, xaaladeeduna ay mareyso meel stabile ah. 

Waxaan isku deynay inaan la xiriirno qoyska iyo qaraabada hooyadan uu dhibku soo gaarey, laakiin nooma aysan suurtogalin, xaalado jiro owgeed. 

Wixii warar kusoo kordha arintaas, dib ayaan kasoo galin doonaa. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
1
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x