lørdag, april 20, 2024

SV, KRF iyo MDG oo keenay soo jeedin lagu xadidiyo xiliga qofka lagala noqon karo sharciga jinsiyada

Waxaa wali socoto dacartii ay kicisay kiiska qoyska kasoo jeedo Falastiin/Urdun ee 27-sano kadib ay hey´ada laanta socdaalku kala noqotay sharciga dhalashada, kuna amartay inay wadanka isaga baxaan. Sidoo kale caruurta ay dhaleen oo ay u dacwoodeen iyo kuwii ay sii dhaleen oo wadanka ku dhashay ayaa iyagana lagu amray inay soo xareeyaan passporada oo wadanka ay isaga baxaan. 

Xisbiyada SV iyo KRF ayaa isku raacsan soo jeedin ku saabsan in la xadido xiliga qofka lagala noqon karo sharciga jinsiyada. Waxeyna sheegeen in sida kiisaska kale ee danbiyada ahba, la xadido xiliga qofka loo ciqaabo kari fal danbiyeed keeni kara in lagala noqdo sharciga jinsiyada dhalashada. 

Waxey tusaale usoo qaateen dalka Germanka oo qofka aan sharciga lagala noqon karin, 5 sano kadib markii ay kasoo wareegto xiligii uu qaatay. Iyada oo inta badan dalalka Yurub, aysanba suurtogal aheyn in qof laga ceshado sharciga jinsiyada, hadiiba uu mar qaato. 

MDG oo xisbi yar oo isna hal xaldhibaan ku leh baarlamaanka, ayaa taageersan qorshahaas. Waxeyna sheegeen in ayagu ayba jeclaan lahaayeen in qofka si kale loo ciqaabo, balse aan laga qaadin sharciga jinsiyada.

[adsenseyu2]

Soo jeedintan ayaa waxaa la saadaalinayaa iney taageero ka heli doonto xisbiyada Venstre iyo Sp, waxaana markaas dhiman taageerada Ap, si uu u helo cod ku filan oo uu ku meel-mari karo. 

Ap oo caga-jiidayo. 

Xisbiga kale ee Ap, ajaaniibta ugu badana ay codadka siiso ayaa si u saluugsan inuu taageero siiyo soo jeedintaas. Waxeyna sheegeen in hadii uu qofku ka been-sheegay aqoonsigiisa, isla markaana uu sidaas ku helay sharciga magangalyada, ay mudantahay in uu helo ciqaabteeda. 

Helge Pettersen oo ah xildhibaan katirsan Ap ayaa sheegtay inaysan mooshinkaas ku qanac-saneyn wali, balse dhanka kale  ay taageersanyihiin in la xoojiyo nidaamka maxkamadeed ee dadka sharciga laga qaadayo. 

Siyaasiyiinta soomaalida ah, halkaas shaqo ayaa uga soo baxday: 

Dadka ugu badan ee laga qaaday sharciga jinsiyada wadankan Norway, waa dad sheegtay inay Soomaaliya kasoo jeedaan ama soomaali ah. Xisbiga ugu badan ee soomaalidu codka ay siisana waa Ap, sidoo kale siyaasiyiinta soomaalida ah ee ugu badan waxey katirsan yihiin Ap. 

Halkaas olole iyo shaqo ay ku tijaaban karaan awoodooda siyaasadeed ee xisbiga, ayaa uga soo baxday siyaasiyiinta soomaaliyeed. 

Dhawaan ayaa baarlamaanka Norway la horgeyn doonaa mooshin kale oo ku saabsan in hey´ada laanta socdaalka laga qaado awooda sharci kala noqoshada, loona wareejiyo hey´ado madax banaan. Wuxuuna mooshinkaas imaaday, kadib markii ay soo shaac-baxday sheekada Mahad Abiib oo 17-sano kadib laga qaaday sharcigiisa dhalashada dalkan Norway. 

Mooshinkaas ayaa heysto codad ku filan, balse waxaa dhiman oo kali ah in qalinka lagu duugo oo uu meel-maro. 

Xigasho/kilde: Aftenposten-papir-avis(24-01-2017, side 6)

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x