torsdag, mars 28, 2024

Soomaali qax ka ah Donald Trumo oo Canada lug ku gashay

Muuqaal-baahiyaha caanka ee Aljazeera-English ayaa warbixin ka diyaariyay dad qoxooti ah oo soomaali ay kujirto, kuwaas oo lug uga talaabay xuduudka uu Mareykanka la leeyahay Canada, iyaga oo qax ka ah madaxweynaha cusub ee dalkaas Donald Trump iyo wareegtooyinkiisa iska soo daba-dhacayo.

Dorian geiger oo ah wariyaha warbixinta ka qoray dhalinyaradan, ayaa la kulmay Farxaan Axmed iyo Mohamed Moalin oo ah laba wiil oo soomaali ah oo kasoo xudbay xuduudka Canada. Waxeyna uga sheekeeyeen rafaadka iyo dhibaatada ay kala kulmeen safarkooda ay isaga gooyeen xuduudka labadaas dal, iyada oo heerka cimiladu uu gaarayay minus 20, barafkuna uu mararka qaarkood jilbahooda kor u dhaafayay. 

Wiilashan oo hada magangalyo weydiistay Canada, ayaa sheegay inay wadankaas isaga soo qaxeen, kadib markii ay arkeen in madaxweynaha cusub uusan arxan u fali doonin dadka magangalyo doonka ah, isla markaana ay bilaabatay in qoxooti si xoog dib loogu musaafuriyo Soomaaliya. 

Xigasho/kilde: Aljazeera.com

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x