fredag, april 19, 2024

Siyaasigii ku jees-jeesay geerida Yacquub oo xabsi lagu xukumay

Siyaasigii ku jees-jeesay geerida A.H.N Yacquub Abdullahi Hassan oo ahaa 14-jirkii soomaaliga ahaa ee lagu dilay magaalada Kristiansand, ayaa maanta lagu xukumay 21 maalmood oo xabsi ah iyo labo sano oo tijaabo ah(Shardi inuusan danbi kale galin labadaas sano).

[adsenseyu2]

Siyaasigan katirsanaa xisbiga Demokratene ayaa bartiisa facebooga soo dhigay qoraal uu ku sheegayo in geerida A.H.N Yacquub yare aysan aheyn mid micno ku fadhido, maadaama uu mustaqbalka noqon lahaa argagaxiso, isaga oo islamarkaana ka tacsiyeeyay geerida haweeneydii Yacquub lala dilay.-

Halkan ka akhri warka arintaas ku saabsan. 

Ninkan kontomeeyo jirka ahaa ayaa qirtay danbigiisa, kadib markii ay boolisku kusoo eedeeyeen inuu ku kacay hadalo naceyb iyo cunsurinimo ah. Isaga oo sidoo kale iska casilay jagadii musharaxnimo ee xisbigaas, dhamaan ka tanaasulay xubinada xisbiga uu katirsanaa. 

Xigasho/kilde: NRK.NO

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x