lørdag, april 27, 2024

Sidee cabasho ugu gudbin kartaa barnaamijkii NRK ee xalay?

Waxaa ilaa shaley nala soo xiriiriyay dad soomaali ah oo ka careysan barnaamij uu tv-ga qaranka Norway ee NRK ka diyaariyay soomaalida ku dhaqan dalkan Norway. Kuwaas oo naga codsanayay inaan cabasho ka gudbino programkii xaley. 

NRK waa tv qaran, waxaana lagu maamulaa lacagta iyo canshuurta laga qaado mujtamac-weynaha Norway oo soomaalidu ay kamid tahay. Sidaas darteed ma ahan tv privat ah oo dano khaas ah yeelan karo. Si kale hadii loo dhigo, waa Muuqaal-baahiye loogu talo-galay inuu dadka u dhaxeeyo, uusana yeelan dano ganacsi oo gaar ah, sida TV-yada kale ee gaarka loo leeyahay. 

NRK waxey leeyihiin gudi ka kooban 14 qof oo dowladu iyo baarlamaanku ay u magacaabeen inay qaabilaan cabashooyinka dadweynaha ee ku saabsan barnaamijyada iyo waxyaabaha kale ee ka baxa tv-ga. Gudigaas waxey shaqadoodo tahay in dib u eegis ku sameeyaan barnaamijka laga cabanayo, isla markaana ay jawaab ka bixiyaan cabashada dadweynaha ee ku saabsan shaqada TV-ga. 

Hadii ay NRK cabasho u diraan 500-1000 qof oo soomaali ah iyo ka badan, waxey u badantahay inay jawaab deg-deg ah kasoo bixiyaan, isla markaana ay ka fiirsadaan barnaamijyadooda danbe. 

Hadii aad cabasho ka qabto, codkeenu yuusan na ciilin, ee cabashada ku aadan barnaamijkaas u dira gudigaas ay dowladu iyo baarlamaanku magacaabeen.

(Halkan click sii, kadibna buuxi skjemaha/waraaqda feylka cabashada)

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x