torsdag, april 18, 2024

(Qiimeyn): NRK oo barnaamij madax wareer ah ka diyaariyay soomaalida wadankan Norway

Mararka qaarkood waxaad is weydiineysaa NRK iyo TV-yada kale ee Norway, xagee kasoo uruursadaan dadka soomaalida ah oo ay barnaamijyadooda ku casuuntaan. Inta aysan barnaamijka soo galin, looma sheego miyaa waxa uu ku saabsanyahay iyo inta qof ee daawan doonto?. Aqoontooda iyo khibradooda mowduuca ay ka hadlayaan looma tixgaliyo miyaa, si lamid ah sida dadka kale mise…?.

Trydekontoret oo ah barnaamij caan ah oo ka baxa tv-ga qaranka Norway ee NRK, ayna ku xiranyihiin dad hal milyan oo qof ka badan, ayaa xalqadiisa isbuucan ku casuumay afar qof oo soomaali ah. Waxaana la sheegay in barnaamijka uu ku saabsanyahay soomaalida dalkan Norway.  

Afarta qof ee soomaalida ah, ayaa kala ah: 1) Yoonis yuusuf(Majaajileste), 2) Amal Aden(Qoraa), 3)Nafiso Osman(Haweeney kaaliye ka ah barnehage) iyo 4) Ahmed M. Abubakar( Darawal bus). 

Amal Aden: Qofka kali ah ee mowduuca barnaamijka ku taxneyd:

Soomaali badan waa laga yaabaa inay sawir aan fiicneyn ka heystaan gabadhan qoraaga soomaalida ah, laakiin xaqiiqadii barnaamijkan Amal waa qofka kali ah ee la socoto mowduuca uu ka hadlayo, si dhex-dhexaad oo macquul ahna, su´aalaha la weydiiyo uga jawaabeyso. Marka laga reebo Yoonis oo inta badan aamusan.

Waxyaabo badan oo barnaamijka looga hadlayo, waa xaqiiqooyin jira oo aan la inkiri karin, laakiin dadka barnaamijka lagu casuumay ma ahan dadkii aqoonta u lahaa mowduuca laga hadlayo, marka laga reebo inay soomaali yihiin.

Barnaamijkan ayaa caawa laga sii deyn doonaa tvga qaranka Norway ee NRK,-saacada 22:30, waxaana daawan doonto milyan qof iyo dheeri.

Halkan kasii daawo barnaamijkan oo idil

Daawo oo kadib fikirkaaga ka dhiibo..

[adsenseyu2]

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
2
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x