Muuqaalka darawalkan soomaaliga ah ee telefonka ku hadlayo isaga oo shaqada busska kujiro, waxaa aad looga hadalhayaa baraha bulshada ee dalka Sweden. Sida muuqadato waxaa muuqaalka duubay qof rakaab ah, kadibna wuxuu ku faafay baraha bulshada, gaar ahaan Facebooga.
Arintan ayay dhamaan dadka commentiyada ka bixiyay ku tilmaameen inay tahay mid masuuliyad daro ah, isla markaana uu darawalkaas khatar galiyay naftiisa iyo nafta dadka uu baabuurka ku wado. Dadka qaarkood waxeyba danbiga dusha u saareyeen qowmiyada soomaalida oo ay ku tilmaameen iney yihiin dad aan aqoonin masuuliyada shaqada lagu aamino.
[adsenseyu2]