fredag, april 19, 2024

Booliska: Wax baaritaan ah kuma sameyneyno dhacdadii gabadha soomaalida ah ee Grønland

Sida uu qorayo wargeyska maalinlaha ah ee Vårt-Oslo, booliska magaalada Oslo ayaa sheegay ineysan baaritaan ku sameyn doonin dhacdadii gabadha soomaalida ah ee Grønland ay dabaqa uga soo dhacday.

Iyaga oo sheegay iney hayaan waxyaabo muujin kara in gabadha aan dabaqa laga soo tuurin.  Sidaas darteedna aysan jirin wax fal-danbiyeed ah oo ay gabadha la kulantay, markaas ay dabaqa kasoo dhaceysya.

Gabadhan ayaa gabadhii soomaalida aheyd ee uu ninka booliska ah xabada ku dhuftay sanadkii 2015, waana hooyo dhashay caruur. 

Dabaqa ayaa kasoo dhacday dabaqa shanaad, waxaana hoostiisa kuyaalo meel barnahage ah oo lagu xanaaneeyo caruur yar. 

Sida ay NorSom News u xaqiijiyeen dal ehelo la ah gabadha la kulantay dhacdada, waxey wali kujirtaa isbitaalka, iyada oo xaaladeeda aysan wax weyn iska badalin. 

Wixii xaalada gabadha kusoo kordha, dib ayaan kasoo galin doonaa. 

Halkan ka akhri warka booliska ee ku saabsan arintaas. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x