torsdag, januar 23, 2025

VG: Dadka ugu badan ee laga ceshtay jinsiyada dhalashada Norway, waa dad sheegtay inay Somalia kasoo jeedaan

Sida uu qorayo wargeyska VG oo soo xiganayo tirokoob ay gacanta ku hayaan oo kasoo baxay hey´ada laanta socdaalka, waxaa sanadkii lasoo dhaafay ee 2016, sharciga jinsiyada norwijiiga  laga ceshtay 65 qof. Isku dar tirada dadka lagala noqday jinsiyda norwiijiga afartii sano ee ugu danbeeyay, waa 137 qof. (Warkan oo af norwiiji ku qoran hoos ka akhri).

VG ayaa sidoo kale qorayo in sanadkii hore ee 2016, tirada dadka laga ceshtay jinsiyada norwiijiga ay labo jibaarmeen. Sanadkii 2015 waxey tiradu aheyd 25 qof, halka sanadkii 2016 ay tirada dadkaas ay noqotay 65 qof.

[adsenseyu2]

VG ayaa hey´ada laanta socdaalka weydiiyay sababta keentay kor u kacaas? 

Waxeyna ku jawaabeen inay bilowgii sanadkii 2016 ay isku geeyeen group aqoon kala duwan leh, kuwaas oo si gaar ah uga shaqeynayay kiisaskaas. Iyaga oo raaciyay in aqoontooda ku saabsan kiisaska noocan oo kale ah ay kor u kacday

15 kiis oo kamid ah kiisaska dadka lagala ceshtay jinsiyada dhalashada Norway, waxey wadanka soo galeen intii u dhaxeysay sanadadii 1993 ilaa 2000. Taas oo ka dhigan inay wadanka joogeen mudo 20 sano kor u dhaafeyso.

UDI-da ayaa sheegtay in sababaha dhaliyo in kiiska qofka dib loogu noqdo ay kala duwanyihiin. Mararka qaarkood, waxey noqon karaan macluumaad kasoo baxo baaritaan ay boolisku sameeyeen, halka mararka qaarkoodna ay noqdaan macluumaad ay helaan iyaga oo ka shaqeynayo kiisas, kuwaas oo macluumaad xaga aqoonsiga ah ka siiyo qofka. 

-Dad ugu badan waa soomaali:

Sida uu qorayo VG oo soo xiganayo tirokoobkaas hey´ada laanta socdaalka, dadka ugu badan ee afartii sano ee lasoo dhaafay laga ceshtay sharciga jinsiyada dalkan Norway, waa dad sheegay inay kasoo jeedaan Soomaaliya.

UDI-da oo u jawaabeyso VG ayaa sheegtay, inay arintaas xiriir la leedahay tirada dadka magangalyo doonka ah ee wadanka soo gali jiray. Waxeyna sheegtay in soomaalidu ay waqti dheer ahaayeen dad kamid ah kuwa ugu badan ee wadanka magangalyo ka heli jiray. 

-19 kiis oo maxkamada la isla tagay:

Sida ay qoreyso wakaalada wararka ee NTB, waxaa afartii sano ee lasoo dhaafay maxkamad gaaray 19 kiis oo kamid ah kiisaska dadka ay hey´ada laanta socdaalku kala noqotay jinsiyada.

NTB ayaa qoreyso in dowladu ay 3 kiis oo kali ah ku guul-dareysatay maxkamada, halka 16-ka kalena ay maxkamadu ku raacday go´aankooda.

Dhawaan ayaa waxaa baarlamaanka Norway la horgeyn doonaa mooshin ku saabsan in awooda sharci kala noqoshada laga qaado hey´ada laanta socdaalka ee UDI-da, loona wareejiyo maxkamad.

Xigasho/kilde: VG.NO 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x