Sida uu qorayo wargeyska ka warama arimaha dhaqaalaha ee Dagens Næringsliv, Wasiirada maaliyada dalkan Norway Siv Jensen ayaa khuburadeeda ugu aqoonta badan wasaarada maaliyada, u dirtay shaqo cusub oo ah inay soo xisaabiyeen natiijada iyo qiimaha dhaqaalaheed, oo ay soo galootiga dhaqaalaha wadanka ugu fadhiyaan mustaqbalka.
Siv Jensen ayaa sheegtay in Natiijada-dhaqaale ee ka dhalata soo galootiga, ay noqon doono mid kamid ah mowduucyada ugu waaweyn oo ay dowladu lasoo shir tagi doonto, marka ay soo bandhigaan aragtida dowlada ee ku aadan dib u dhiska iyo horumarinta dhaqaalaha tobanka sano ee soo socdo.
Isdhexgalka dadyowga kala duwan ee mujtaca iyo xiriirka uu mujtacu la leeyahay suuqa shaqada, ayaa muhiimad weyn u leh kor u kaca dhaqaala ee wadanka. Iyo waliba awooda uu sii lahaan karo nidaamka ceyrbixinta, ayey Siv Jensen u sheegtay Dagens Næringsliv.
Ma ahan markii ugu horeysay oo uu xisbiga FRP soo jeediyo in la xisaabiyo qiimaha ay soo galootiga ugu fadhiyaan wadanka. Sanadkii 1996 ayey sidaan oo kale usoo jeediyeen in la xisaabiyo qiimaha ay soo galootiga ugu fadhiyaan dhaqaalaha magaalada Oslo, laakiin taas uma suurtogalin xiligaas kadib ay waayeen cod aqlabiyad ah.
Wargeysks DN ayaa Siv Jensen weydiiyay in xisaabinta qiimaha dhaqaaleed ee ajnabigu ay sii abuuri karto naceyb loo qabo soo galootiga?
Waxey ku jawaabtay inay soo galootiga u kala sooci doonaan labo qeybood. Qeyb wadanka sifiican ula qabsato oo suuqa shaqada horey usoo gasho, iyo qeyb aan wadanka la qabsan, suuqa shaqadana aan soo galin. Waxeyna raacisay inay muhiim tahay ay in la ogaado sababta ay taas u dhacdo iyo in nidaamka ceyrsiinta wadanku uu arintaas lug ku leedahay.
Gudoomiyaha xisbiga KRF oo ah mid kamid ah xisbiyada taageerada siiya dowlada ayaa xisaabinta dhaqaalaha soo galootiga ka biyo diiday. Isaga oo sheegay inaan arintaas lagu soo hadal-qaadin markii ugu danbeysay oo ay dowlada kulan la yeesheen. Wuxuu raaciyay inuusan kasoo horjeedin in xisaabiyo qarashka dhaqaale ee soo galootiga la xiriira, laakiin wuxuu sheegay inay muhiim tahay in labada dhinacba laga fiiriyo, lagana feejignaado caqadaha kale ee ka dhalan kara.
Xigasho/kilde: Dagens-næringsliv-Papiravis( 21-01-2017, side 15)
[adsenseyu2]