Wasaarada cadaalada dalka Poland ayaa qarka u saaran iney dhawaan baarlamaanka wadankaas ka meel-mariso sharci cusub oo taageero siinaya waalidiinta wadankaas u dhashay ee ilmaha looga qaato wadamada dibada ah. Waxeyna sheegeen in sharcigaas uu dowlada wadankaas u sahlayo iney si toos ah usoo faragashato, kiisaska la xiriira caruurta Poolishka ah oo ay qaataan hey´adaha xanaada caruuraha ee wadamada ajaaniibta ah.
Saxaafada wadankaas ayaa sidoo kale qorayso in sharcigan cusub uu ku wajahanyahay dhibaatooyinka caruuraha u dhalatay wadankaas ay kala kulmaan hey´adaha xanaanada caruurta ee wadama Norway, Germany iyo UK.
[adsenseyu2]
Xoghayaha wasaarada cadaalada dalka Poland ayaa sheegay in tan iyo markii uu wadankaas kamid noqday midowga Yurub, ay dad badan oo Poland u dhashay ay u shaqo doonteen wadamada Yurubta galbeed. Taasna ay keentay in caruur badan wadankaas u dhalatay ay xadgudub kala kulmaan dowladaha wadamada ay waalidkood ka shaqeeyaan. Wuxuuna sheegay in sharcigan cusub uu saamaxayo in waalidka dhibaatoyinka la kulmo iyo qareenadooduba, ay helaan wax walba oo taageero ah oo ay u baahanyihiin, si arintooda loo xaliyo.
Sidoo kale wuxuu raali-galin ka bixiyay in dowlada wadankaas ay waqti badan ka aamusneyd arintaas, Wuxuuna balan-qaaday ineysan taas dib danbe u dhici doonin. Isaga oo raaciyay in wixii hada ka danbeeyo wasaarada dastuurta dalkaas, wasaarada arimaha dibada iyo safaaradaha dibaduba ay si toos ah arimahaas usoo faro-gashan doonaan.
Dowlad ayaa dowlad kaa celiso(Garba garbaa latusaa):
Dad badan ayaa isweydiin kara sababta aan u daabaceyno warka ku saabsan dowlad dadkeedii sidii ay u difaaci laheyd u tashaneyso. Waa su´aal sax ah oo mudan inaan ka jawaabno.
Maalin walba waxaan maqalnaa oohinta hooyo iyo aabe soomaaliyeed, kuwaas oo hey´ada xanaanada caruurtu ay ilmahoodii ka qaadatay, iyagiina ay baday gablan iyo guri cidlo. Qaadashada waxaa ka xanuunbadan in ilmahaagii aan sagaal bilood uurka kusoo waday qasab lagaaga qaado, laguna dhajiyo islaan aan habeyn xanuunkiisa dareemin, lacagna lagu siiyo heyntiisa iyo korsashadiisa. .
Waxbadan ayaan dhagaha ka fureysanay ilinta hooyo soomaaliyeed oo ciil iyo caloolyow la baday, waxaadna moodaa inaan is dhiibnay oo dhibaatada barnevernka sidey tahay aan ku aqbalnay. Waxaana nagu jirto cabsi iyo kalsooni daro, qof walbaana wuxuu isleeyahay yaan adiga laguu imaanin ee albaabka xiro. Ogow, hadii aad maanta ka aamusto dulmiga lagula kaco qof soomaali ah, adiguna inaad barito ku xigi doonto, markaadana lagaa aamusi doono, hadii aanba lagugu wiirsan.
Waxaan hadaba warkan usoo daabaceynaa si aan dadka soomaaliyeed u tusno sida ay umaduhu iyo dowladuhu isugu gurmadaan, bal iney wax uun halkaas nooga bidhaamaan. Waa sax Soomaaliya maanta ma joogto heer ay is barbardhigto dowladaha horumaray sida Poland, Ruushka iyo India. Laakiin waxey taas noo noqon kartaa tusaale iyo yididiilo ku aadan kahor tagista xadgudubka lagula kaco waalidka soomaaliyeed ee nabada iyo nolosha usoo raadsaday wadamada qurbaha.
Waxaa intaas oo dhan ka horeeyo inaan isbadal weyn ku sameyno haqamadeena korinta ciyaalka, oo dabcan ah gundhiga dhibaatada barneverkna iyo soomaalida. Aana la jaanqaadno nolosha korinta caruurta ee wadamada aan kusoo qaxney.
Xigasho/kilde: Frie-ytringer.no , Nialezna.po
[adsenseyu2]