tirsdag, april 23, 2024

Dhageyso: Wiilkeygii curudka ahaa oo aan umushu kula jiray, ayey iga qaateen

Waxaa ilaa xaley warbaahinta soomaalida aad looga hadalhayay wareysi ay bixisay gabar soomaali oo dalkan Norway ku sugan, taas oo sheegtay in hey´ada xanaanada caruurta ee dalkan Norway ay mudo labo bil kahor ah, ka qaadatay wiilkeeda oo dhalanaa mudo bil ah. Iyada oo markaas umusha kula jirtay.

Waxeyna sheegtay in sababta looga qaatay ay tahay in la sheegay ineysan siin karin galkaceyl hooyanimo, mas´ uuliyadiisana aysan qaadi karin!!!.

Hooyadan oo wareysi siisay mid kamid ah warbaahinada soomaalida ayaa magaceeda ku sheegtay Samiiro Abdirahman Kheyre, waxeyna degantahay magaalada Oslo, Norwey waxey degeneyd mudo 20 sano ah.

Halkan ka dhageyso wareysiga oo dhameystiran. 

Fadlan nala soo xiriir hadii aad macluumaad dheeri ah  heyso: 

Sheekada hooyadan soomaaliyeed waxey argagax galisay dad badan oo kamid ah jaaliyada soomaaliyeed ee Norway. Hadii aad wax ka ogtahay arintan ama aad tahay qof ka ogdhow hooyadan soomaaliyeed, fadlan nala soo xiriir. 

Tlf: 96851730 ama 94841977…Ama e-mail: norsomnews@gmail.com 

Waxaa xiriir nala soo sameeyay qaar kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ee reer Norway iyo dad kale oo howlaha bulshada ka shaqeeyo, kuwaas oo codsaday in arinta gabadhan aan la dhayalsan oo wax lala qabto, loona gurmado inta ay arintu meel dhow mareyso. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x