tirsdag, april 23, 2024

Xisbiga Ap: Waxaan fileynaa in dowladu ay wali ku dhaqmeyso heshiiskii aan galney 2015

Waxaa maalintii daraad aheyd isbaheysi sameystay toban urur oo kamid ah ururada u dooda xuquuqda qoxootiga. Ururadaas oo sheegay iney qeylodhaan kayihiin siyaasada dowlada ee ku aadan qoxootiga iyo cawaaqib xumada ka dhalan karto. Iyaga oo codsi u direy dowlada iyo xisbiyada siyaasada wadanka.

Si gaar ah waxey urruradaas u xuseen arinta dib u qiimeynta sharciyada qoxootiga soomaaliyeed ee gaaraya 1600 iyo musaafurinta caruurta katimid wadanka Afganistan. 

Wargeyska Dagsavisen ayaa su´aal arintaas ku saabsan weydiiyey Stein Erik Lauvås oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, ahna afhayeenka xisbiga Ap u qaabilsan arimaha soo galootiga. Wuxuuna sheegay iney dowlada ka filayaan iney wali ku dhaqmeyso heshiiskii ku saabsanaa xakameynta qoxootiga ee xisbiyadu ay galeen bishii November ee sanadkii 2015.  Stein Erik ayaa sheegay in xisbigooda Ap uu si joogto ah qiimeyn ugu sameeyo in dowladu ay wali kujirto soohdinta xariiqda waajibaadka bini aadanimo ee u dagsan xisbigooda. Wuxuuna sheegay in ururada isbaheysiga sameystay ay arintaas gacan weyn ka geysan karaan.  

Stein Erik ayaa hadalkiisa raaciyey in ilaa hada aysan arkin sabab tilmaami karta in dowladu ay xadka dhaaftey, balse wuxuu sheegay in arinta ay u baahantahay in laga fiiriyo labada dhinacba. 

Afhayeenka xisbiga Ap u qaabilsan ajaaniibta ayaa sidoo kale sheegay inuu akhriyey codsiga ururada isbaheysiga sameeyay, wuxuuna raaciyey iney gadaal ka sameyn doonaan qiimeyn ku aadan waxyaabaha ay ururadu soo gudbiyeen.

Aawey siyaasiyiintii soomaaliyeed ee ka tirsanaa Ap:

Dood ay ka qeybqaateen qaar kamid ah siyaasiyiinta soomaaliyeed ee katirsan xisbiga Ap, ayey ku sheegeen in xisbigoodu uusan waxbo kala socon arinta dib u qiimeynta sharciyada magangalyada qoxootiga, isla markaana arintaas ay tahay howl ay wadato dowlada xiligan talada heyso ee Høyre iyo FRP. 

Dhanka kale Stein Eirik oo ah xildhibaan katirsan baarlamaanka Norway, ahna afhayeenka xisbiga shaqaalaha u qaabilsan kahadalka arimaha soo galootiga, ayaa si cad u qeexayo in dowlada ay ka filayaan iney xaq-dhowrto heshiiskii ay galeen bishii November ee sanadkii 2015.  Waxaana heshiiskaas kamid ahaa in dib loo qiimeeyo sharciyada magangalyada dadka qoxootiga aan wali helin degenaanshaha rasmiga ah, hadii uu isbadal nabadeed ku yimaado wadankii ay soo qaxeen.

Heshiiskaas oo ah tiirka ugu weyn oo dowlada hada wadanka ka taliso, ay u cuskaneyso dib u qiimeynta sharciyada qoxootiga soomaaliyeed ee gaaraya 1600.

Siyaasiyiinta soomaaliyeed ee xisbiga Ap iyo Steik Eirik(afhayeenka Ap) yaa run sheegayo?

Xigasho/kilde: Dagensavisen.no, Dagensavisen-papiravis(30-11-2016)

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x