onsdag, april 24, 2024

wel-welka laga qabo soo galootiga oo kor u kacday sanadkii ugu danbeeyay.

Wakaalada tirokoobka iyo xog uruurinta ee SSB(statisksentralbyrå), ayaa soo saartey warbixintii sanadlaha ahaa oo ay ka sameyn jireen dareenka ay mujtamaca wadanka u dhashay ka qabaan soo galootiga. Waxaana warbixinta sanadkan lagu sheegay in cabsida iyo wel-welka ay dadka norwiijiga ka qabaan ajaaniibta ay kor u kacday sanadkii lasoo dhaafay.

Mid kamid ah sadexdii qof ee norwiijiga ahba(1/3), waxey aaminsanyihiin in dadka soo galootiga ah ay khiyaanaan systemka ceyrta wadanka, ayna culeysk ku yihiin systemka kaalmada dadweynaha iyo taakuleynda danyarta. Waxeyna qaarkood sheegeen iney u cabsi qabaan mustaqbalka faa’iidooyinka ay dadweynuhu ku qabanaa systemkaas.

32% kamid dadka wareysiyada lala yeeshay, ayaa sheegay in dadka soo galootiga ah ay cabsi galiyaan. Sanadkii hore, waxay tirada dadka sheegay iney ajaaniibta ka cabsi qabaan aheyd 26%. Waxaa ku yimid kor u kac gaarayo 6%.

Inkastoo uu soo kordhay cabsida iyo wel-welka laga qabo dadka soo galootiga ah, hadana waxey warbixinta sheegaysaa in 74% kamid dadka la wareystay aysan wax dhib ah ku qabin iney qof ajaaniib ah uu daris la noqdo. Sidoo kale waxey sheegeen ineysan dhib ku qabin in gabadhoodu ama wiilkoodu uu guursado ama ay guursato qof soo galooti ah. 

Warbixintan ay SSB ay soo saartey, si guud ayey uga hadashay ajaaniibta, iyaga oo aan ukala qaadin wadamada ama qaaradaha ay ka yimaadeen. Tusaale ahaan qofka Swedishka ama Daanishka ah iyo soomaaliga iyo siiriyaanka waxaa loo wada xisaabiyey soo galooti. Waxeyna taas keeni kartaa in hadii dadka looga kala saaro wadamada ay ka yimaadeen ay tiradu waxbadan isbadali laheyd. 

Xigasho: Avisa-Nordland-NTB

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x