tirsdag, april 23, 2024

Wasiirka arimaha dibada Hindiya: Barneverku gacanta waalidkii dhaley haku soo celiyeen cunug Hindi ah oo ay qaateen

Wasiirada arima dibada dalka Hindiya, haweeneyda lagu magacaabo Sushma Swaraj ayaa dalbatay in hey´ada xanaanada caruurta ee barnevern-ka dalkan Norway, ay gacanta qoyskii dhaley kusoo celiyaan, wiil shan jir hindi ah oo ay labo isbuuc kahor la wareegeen xanaanadiisa. 

 Arintaasna waxaa saxaafada u xaqiijiyay safiirada dalka Hindiya u fadhido Norway, Debraj Pradhan oo maanta kulan arintaas ku saabsan laqaadatay wasaarada arimaha dibada dalkan Norway.  

Wasiirada arimaha dibada Hindia ayaa barteeda ay kuleedahay Twitterka soo dhigtay fariimo cad-cad oo ay ku dalbaneyso in cunugaas lagu celiyo guriga hooyadii iyo aabihii, si uu ugu koro dhaqanka iyo hidaha dalka ay waalidkii kasoo jeedaan ee Hindiya. Waxeyna sheegtay ineysan sinaba u aqbali karin in reer ajnabi ah ay cunugaas siin karaan, xanaano ka wanaagsan tii uu ka heli lahaa guriga qoysiiisa. 

Sidoo kale warbaahinta dalka Hindiya ayaa arintan cunugan ay barneverku xanaanadiisa la wareegeen si aad ah u hadalhaya, iyaga oo cadaadis xoogan oo dhankooda ah saaraya dowlada Hindiya, gaar ahaan wasiirada arimaha dibada.

Waxaan raaceynaa sharciga xanaanada caruurta (barnevernsloven)

Sawirka qoyska ilmaha laga qaatay iyo cunugooda
Foto: India.com

Kristin Ugstad Steinrem oo katirsan hey´ada caruurta, dhalinyarada iyo qoysaska(bufdir), ayaa sheegtay in Norway gudaheeda kiisaska la xiriira xanaanada caruurta ay maamusho waaxda barnevernka, oo ah qeyb hoostaga kommunaha, si waafaqsan sharciga xanaanada caruurta ee dalkan Norway.

 Waxeyna hadalkeeda raaciyay in hey´adoodu ay safaarada Hindiya ee Norway ay u sharaxday, qaabka ay barnevernku u shaqeeyaan iyo sida kiisaska noocan oo kale ah loo maamulo. 

Safaarada Norway ee dalka Hindiya ayaa bartooda facebooga kusoo qoray qoraal ay ku cadeynayaan, in dowlada Hindiya ay u xaqiijiyeen in kiiska wiilkan shan jirka hindiga ah, looga shaqeyn doono si taxadar iyo fahan heerkii ugu sareeyay ah uu kujiro.

Afhayeen u hadlay safaarada Norway ee Hindiya ayaa sidoo kale sheegay, in kiisaska barnevern-ka la xiriira Norway gudaheeda looga shaqeeyo, si waafaqsan sharciga xanaanada caruurta ee Norway iyo xeerka qaramada midoobey ee xuquuqda caruurta. 

-Waa markii sadexaad: 

Ma ahan markii ugu horeysay ee dowlada Hindiya ay si toos ah fariin iyo dalab cad ay isku soo daba-dhigto hey´ada xanaanada caruurta ee dalkan Norway. Afar sano kahor ayey barnevernku qaateen cunug Hindi ah, kadib markii waalidkii lagu eedeeyay in xadgudub kula kaceen.

Wargeysyada iyo Tv-yada Hindiya ayaa arinta qoyskaas hindiga ee ilmaha laga qaatey si maalinle ah ugu hadli jirtay, waxeyna cadaadis xoogan saareen dowlada Hindiya oo ugu danbeyn arinta soo farogashatay, iyaga oo dalbaday in cunugaas lagu celiyo gacanta reerkiisa. Sidoo kale waxey cadaadis diblomaasiyadeed saareen dowlada Norway, waxaana xiligaas suuq fiican Hindia ku heystay shirkada Telenor oo kamid ah shirkadaha ugu waaweyn ee dalkan Norway.

Ugu danbeyn muran iyo is jiid-jiid waqti dheer qaatey kadib, waxaa lagu guuleystay in masuuliyada cunuga lagu wareejiyo qoykiisa, gaar ahaan adeerkiis oo degan Hindiya.

Sidoo kale ma ahan markii ugu horeysay ee madax katirsan dowladaha caalamku ay arinta barnevernku soo farogashtaan ama ay si caro leh uga hadlaan.

Madaxweynaha dalka Czech Republic Miloš Zeman ayaa sanadkii hore ee 2015, barnevernku la barbardhigay uruurintii ay dowladii Naziga uruurin jirtay caruurtu, si maskax ahaan loo badalo.

Pavel Astakhov oo katirsan hey´ada ilaalisa xuquuqda ilmaha ee dalka Ruushka, ayaa sanadkii 2014 dowlada Norway ku eedeeyay iney argagaxiso ku tahay caruurta, isaga oo ka hadlayay kiisas caruur asalkooda ruushiyaan yahay ay barneverku qaateen.

Xigasho/kilde: VG/NTB, INDIA.COM

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x