fredag, mars 29, 2024

Suxufiyiinka soomaaliyeed ee ka howlgala Norway oo urur ay ku mideysanyihiin ku dhawaaqay

Waxaa magaalada Oslo kulan ku yeeshay maalintii isniinta aheyd ee 26-12-2016, qaar kamid ah wariyeyaasha soomaaliyeed ee ka howlgala dalkan Norway. Waxaana kulankaas lagaga dhawaaqay sameynta urur ay ku mideysanyihiin bahda warbaahinta soomaaliyeed ee Norway. 

Waxyaabaha la sheegay in ururkaas uu qaban doono ayaa waxaa kamid ah, uruurinta suxifiyiinta soomaliyeed ee ku dhaqan dalkan Norway, iyo sidii loo fududeyn lahaa in bahda warbaahinta Norway ay noqoto mid ay ka dhaxeyso iskaashi hoose, aqoon isweydaarsi iyo waliba iska warqab.

Sidoo kale waxaa la isku af-gartay in la mideeyo awooda, adeega iyo aqoonta kala duwan ee bahda warbaahinta soomaaliyeed ee Norway, si u-adeegista saxaafada ee bulshadu ay u noqoto mid miro dhal ah. 

Gudoomiye kumeel gaar ah:

Intii uu kulankaas socday, ayaa waxaa gudoomiye kumeel gaar ah loo doortay Sabaax Axmed Cige, oo sii hogaamin doonto ururkaas inta laga dooranayo gudoomiye rasmi ah. 

Waxaa sidoo kale isku afgartay in mar labaad la iclaamiyo kulan labaad oo ay yeeshaan bahda saxaafada, kahor inta aan si rasmi ah loogu dhawaaqin ururkaas iyo cida hogaamin doontaba. 

Warbaahinta soomaaliyeed ee kulankaas goobjooga ka ahaa, waxaa kamid ah NorSom News, SNTV, Maqal Radio, Voice of Oslo Radio, Iyo Halgan News. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x