lørdag, april 20, 2024

NTB: Dowlada Denmark oo qiimeyneyso iney magangalyada kala noqot 100 qof soomaali oo laga soo qaaday xeryaha qoxootiga

Sida ay qoreyso wakaalada wararka dalkan Norway ee NTB, dowlada denmark ayaa sheegtay iney qiimeyn ku wado,  go´aan ku saabsan iney magangalyada kala noqon karto isla markaana dalkoodii dib ugu celiso 100 qof oo qoxooti soomaali ah, kuwaas oo ay Denmark kasoo qaadatay xeryaha qoxootiga caalamka(Kvoteflyktninger).

Waxaana ay Denmark keenista qoxootigaas usii martay nidaamka qoxooti qeybsiga hey´ada qaramada midoobey u qaabilsan qoxootiga aduunka ee UNHCR.

hey´ada qoxootiga u qaabilsan dowlada Denmark ayaa sheegtay in xaalada amaan ee magaalada Muqdisho ay hada tahay mid soo hagaagtay, isla markaana ay dad ku celin karaan. 

Go´aankan ayaa dabo socdo go´aan hore oo ay dowlada dalkaas xukunto ee dhinaca midigta xigta soo saartey dhowr bilood kahor, kaas oo ku saabsanaa iney dib uqiimeyn ku sameyn doonto magangalyada qoxooti soomaaliyeed ah oo gaaraya 1200 oo qof. Kuwaas oo Denmark magangalyo soo weydiistay 10-kii sano ee ugu danbeeyay, qaarkoodna ayba caruur iyo qoysas ku heystaan dalkaas.   

Hadii ay run noqoto iney Denmark ku dhaqaaqdo talaabadaas magangalyo kala noqoshada qoxootiga xeryaha caalamka laga soo qaadey, waxey noqon doontaa taariikh cusub oo u bilaabata systemka magangalyo siinta qoxootiga caalamka, maadaama aysan horey u jirin dowlada ama dal ku kacay talaabo noocaas oo kale ah. 

Xigasho/kilde: NTB, Klassekampen, information

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x