onsdag, april 24, 2024

Muhiim: Sharciyadan cusub ayaa dhaqan gali doono 1.janaur.2017

Waxaa kowda bisha january ee sanadka 2017, dhaqangali doono sharciyo badan oo saameyn ku yeelan karo noloshaada ama noloshada qoyskaada. Waxaan halkan kusoo gudbineynaa kuwii aan u aragney iney saameyn ku yeelan karaan nolol maalmeedka bulshada soomaaliyeed ee Norway. Waxaana macluumadkan kasoo uruuriney warbaahinta kala duwan ee wadankan Norway. 

1). Qofkii raba inuu ka shaqeeyo goobaha caafimaadka iyo daryeelka bulshada bulshada ee dowliga ah( Helse og omsorgtjenester i kommunene), waxaa ku waajib ah inuu a yimaado cadeyn  ka socoto booliska oo muujineyso taariikhdiisa xaga danbiyada.

2.) Qofkii raba inuu codsado sharciga dhalashada Norway(norsk statsborgerskap), waxa ku waajib ah inuu maro imtixaan afka ah oo lagu ogaanayo heerkiisa aqoonta luuqada norwiijiga iyo mutjamaca Norway. NB!: Qofkii kusoo baasey imtixaanada NORSK-PRØVE 1 IYO 2, loogama baahno inuu maro imtixaankaas. 

Halkan ka akhri faahfaahinta warkaas: UDI.NO iyo vOX.NO 

3.) Sidoo kale qofkii raba inuu codsado sharciga degenaanshaha rasmiga ah(parmanent oppholdtillatelse), waxaa ku waajib ah inuu cadeeyo inuu soo qaatay 550 xiisadood oo luuqada norwiijiga ah iyo inuu soo qaatay 50 saacadood ee cilmiga bulshada ah. Sidoo kale qofkii kusoo baasey norsk-prøve 2 muntlig iyo skriftlig, wuu buuxiyay shurudaas(loogam baahno 550 xiisadood+ 50 saacadood). 

Halkan ka akhri faahfaahinta warkaas.( UDI.NO)

4.) Waxaa dhaqangali doono sharci cusub oo ku saabsan, in la kordhiyay qiimo dhimista xaga canshuurta ah ee loo sameeyo dadka shaqooyinkooda safarada dhaadheer u galo. Waxaa halkii kilometer laga jarayaa canshuur dhan 1,56 kr, halkii kilometerba maalintii. 

5.) Lacagta shidaalka baabuurta oo wax xoogaa qaali noqon doonto. Waxaa qiimahooda lagu siyaadin doonaa Bensin(15 øre halkii litirba), Diesel 35øre litirkiiba. 

6.) NAV oo dhaqan gali doonto sharci cusub oo dhalinyarada ka yar 30-ka sano ee qaata lacagta ceyrta, ku qasbi doono iney subixii imaadaan xafiiska NAV. Hadii ay soo xaadiri waayaana, lacagta ceyrta laga dhimi doonaa. 

Halkan ka akhri faah-faahinta warkaas: NorSom News

[adsenseyu2]

7.) Sida uu qorshuhu yahay, waxaa bilowga bisha january ee sanadka 2017 lagu wadaa in mowjada FM-ka ee idaacadaha, hawada laga saaro gabi ahaanba, laguna badalo mowjada casriga ah ee DAB. Waxey ka dhigantahay in qofkii raba inuu dhageysto idaacadaha kasoo gali jiray mowjada FM-ka uu ku qasbanyahay inuu u wareego oo soo gato radiyaha DAB-ka. Gobolka ugu horeeyo ee xeerkaas laga dhaqan galin doono waxaa gobalka Nordland. 

8.) Waxaa la kordhiyay lacagta ganaaxa ah ee la saaro dadka baabuurta dhigta meelaha qaldan. Wixii ka danbeeyo kowda January 2017, hadii aad baabuurka dhigato meel khaldan, waxaad heleysaa ganaax dhan 900 oo kr, halkii uu horey ka ahaa 500. 

Faahfaahinta warkan halkaan ka akhri: NorSom News

9.) Sidoo kale waxaa la kordhiyay lacagta ganaaxa ah ee la saaro dadka baabuurta ku wado xawaare ka koreeyo kan uu sharciga wada-maristu ogolyahay. Waxaad la kulmi kartaa ganaax ah 10.000, hadii baabuurta aad ku wado xawaare sareeyo. 

Halkan ka akhri faah-faahinta warkaas: NorSom News

10.) Lacagta frikortka oo laga dhigay 55.000. Waxeyna la micno tahay in qofku uu shaqeysan karo 55.000 sanadkii isaga oo aan bixin wax Skatt ah. 

11.) Lacagta hadiyada ah ee uu qofku siin karo ururada iskaa wax u qabsada ah(frivillig) oo la kordhiyay. Waxaana sanadkii qofka loo ogolyahay inuu helo canshuur dhimis, hadii uu ururada iskaa wax u qabsada siiyo lacag hadiyad ahaan ah oo dhan 30.000( hada waa 25.000, waxaa lagu kordhiyay 5.000).

12.) Wixii ka danbeeyo kowda bisha January waxaa shirkadaha howlaha u raba iney howlo ka fuliyaan xafiisyada iyo goobaha dowlada, qasab loo dhigi doonaa iney shaqaaleysiiyaan dad lærling ah, si loo siiyo kontrakt. Qorshuhu waa in ardada barata xirfadaha gacanta, loo fududeeyo iney helaan goobo ay ku tababartaan xirfada ay iskuulka ku dhigtaan.

13.) Lacagta sanadlaha ah ee baabuurta laga qaado(Årsavift) ayaa ayadna qiimo dhimis lagu sameeyay. Wixii ka danbeeyo kowda Janaury waxey baabuurleydu bixin doonaan 2820 kr oo avsavgift ah, halka ay hada ka tahay 3185. 

14.) Systemka qasnadaha(kassesystem) oo isbadal lagu sameeyay. Laga bilaabo kowda January ee sanadka 2017, waxaa ku waajib ah dadka iska leh goobaha ganacsiga iney badalaan qasnadaha lacag bixinta, si loo waafajiyo xeerka qasnahada cusub ee dhaqan gali doono kowda january.

Faahfaahinta warkaas halkan ka akhri: Skatteetaten

15.) Kowda bisha August ee sanadkan 2017, waxaa la kordhin doonaa lacagta la siiyo waalidka dhaley ilmaha kayar labada sano ee aan barnehage dhigan. Waxaa laga dhigi doonaa 7500, halka ay hada tahay 6000.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x