Maamulka masaajidka cusub ee al Huda, ayaa ogeysiinayo umada soomaaliyeed ee ku dhaqan magaalada Bergen iyo guud ahaan gobalka Hordaland, iney kasoo qeybgalaan kulan muhiim ah oo lagu daah-furin doono masaajidka. Kaas oo dhici doono maalinta axada ee inagu soo aadan, taariikhdu marka ay tahay 25-12-2016.
Saacadu uu kulanku dhacayo ayaa ah 12:00 duhurnimo, wuxuuna socon doonaa ilaa laga gaaro 18:00. Rag, dumar iyo caruurba kulanku wuu u furanyahay oo wey kasoo qeybgali karaan.
Masaajidka waxuu ku yalaa (Danmark plass) (Ex europris) meshi hore uu deganan jiray ama waxuu u dhexeyaa Itrain Danmarksplass iyo Coop Extra Danmarksplass.