Wargeyska Dagbladet ayaa wareysi dhinacyo badan taabanaya, la yeeshay wasiirada arimaha soo galootiga wadanka Norway, naagta lagu magacaabo Sylvi Listhaug.
Waxyaabaha uu su´aalaha ka weydiiyeyna waxaa kamid ah arinta dib u qiimeynta sharciyada qoxootiga soomaaliyeed ee gaaraya 1600, Arintaas oo saxaafada Norway ay si aad ah u hadalheysay ayaamihii ugu danbeeyay. Wuxuuna kusoo hadalqaadey warqada codsiga ah ee ka timid qaramada midoobey.
Listahug ayaa mar kale ku celisay in arinta dib u qiimeynta sharciyada qoxootigu ay tahay mid ku saleysan, in qofkii aan qabin baahi magangalyo wadankiisii dib loogu celiyo. Iyada oo hadalkeeda raacisey in sidaas uu xitaa dhigayo sharciga hey-ada ilaalinta xuquuqda qoxootiga u qaabilsan qaramada midoobey. Waxeyna sheegtay in wadamadu ay yihiin kuwa go´aanka ka gaari kara goorta qoxootiga dib loogu celin karo wadankoodii.
Dagbladet ayaa Listhaug xusuusiyey in hey´ada qaramada midoobey u qaabilsan qoxootiga ay ka digtay in qoxooti soomaali dib loogu celiyo xiligan, maadaama xaalada soomaaliya aysan aheyn mid la isku haleyn karo. Dagbaldet ayaa wasiirada weydiiyey:
Norwey waxa ay noqon doontaa wadankii ugu horeeyay si aan bilcaksi ah u turjunta xeerka hey´ada qaramada midoobey u qaabilsan qoxootiga ee UNCHR?:
Haa waa sax, waxaana imaan doonto in wadamo kale oo fara badan ay arintaas sameyn doonaan dhawaan. Qof walba wuu arki karaa in xaalku uusan kusii socon doonin sida uu hada yahay. Yurub waxa ay wajihi doonto, iyo waxa hada horyaalo waa mid sii socon doono. Dadka aaminsan in sanadkii hore uu ahaa sanad ka duwan xiliyada kale, waxaan u maleynayaa iney marka si guud loo eego ay khaldanyihiin. (Listahuag waxa ay ka hadleyso waxaa qoxootigii tirada badnaa ee sanadkii hore kusoo fatahmey wadankan Norway iyo guud ahaan qaarada yurub).
Norwey waxa uu noqon doonaa wadankii ugu horeeyay ee qaloociya xeerarka caalamiga ee ku saabsan qodobkaas?:
Arintaas kuma waafaqsani dadka. Sharciyadu waxey joogaan meeshoodii, balse anagu waxaa isticmaaleynaa xoriyada ay nasiinayaan sharciyadu. Maxeysan Norway u isticmaali karin meelaha banaan ee u dhaxeeyo qodobada sharciga? Waxaa inaan ku fakarnaa sida aan ugu fiican ee aan u caawin karno dadka ugu badan.
Saameyn intee le-eg ayey kugu yeelaneysaa eedeymaha kaaga imaanayo ururadan, sida UNCHR oo kale:
UNCHR waxey eedeymo soo jeedineysay sanado badan oo ay wadanka xukumayeen dowlado badan. Eedeymahooda sifiican ayaan ula noolahay(dhibaato weyn iguma hayaan). Dabcan waxaan ku eegeynaa il gaar ah oo si dhab ah ayaan u qaadaneynaa. Laakiin UNCHR ma ahan cida maamusho system magangalyo siinta wadanka Norway, mana ahaan doonto iney iyagu maamulkaan mustaqbalka.
Xigasho/kilde: Dagbladet-papiravis( 6-12-2016, side 10)
[adsenseyu2]