onsdag, januar 22, 2025

Listhaug oo ogolaatey in Norway lagu qiimeeyo codsiyada magangalyada dadkii wadanka kasoo galey Storkog

Wasaarada dastuurka iyo amniga wadankan Norwey, ayaa ugu danbeyn soo saartey wareegto ay ku sheegayso in codsiyada magangalyada qoxootiga wadanka kasoo galey xuduudka Storkog lagu qiimeyn karo wadanka Norwey. 

Sanadkii 2015 ayaa waxaa Storskog, oo ah kutaalo xuduudka Norway iyo Ruushka kasoo galey dad qoxooti ah oo kumanaan gaarayo. Qoxootigaas oo badankooda ka yimid wadanka Siiriya

Dowlada Norway ayaa sheegtay in 1300 oo kamid ah dadka kasoo galey xuduudka Ruushka, dib loogu celin doono wadankaas, isla markaana halkaas lagu qiimeyn doonto codsiyadooda magangalyada. 1300 ayaa isugu jiro dad magangalyo kumeel gaar ah ka heystay wadanka Ruushka iyo kuwa viso ku joogey wadankaas. 

Norway ayaa isku deyday iney heshiis dib u celin ah la gasho Ruushka, balse taas uma suurtogalin oo dowlada wadankaas ayaa diidey iney dib u qaabisho qoxooti wadankeeda kasoo dhuuntey. Waxeyna ugu danbeyn dowlada Norway maanta soo saartey, wareegto lagu sheegayo in codsiyada  magangalyada dadkaas lagu qiimeynayo wadankan Norway.

Xisbiga FRP ayaa dadaal dheer u galey in codsiyada dadkaas aan lagu qiimeyn Norway, oo dib loogu celiyo wadankaas, waxeyna u muuqataa in dadaalkaas uu miro dhali waayey, maadaama ugu danbeyn ay ogolaadeen in codsiyada dadkaas lagu qiimeyo wadankan.

Inkasta oo 1300 badankood ay ka yimaadeen wadanka Siiriya, hadana waxaa kujiro labaatameeyo qof oo soomaali ah(Xigasho NRK), kuwaas oo wadanka kasoo galey xuduudka Ruushka.

Xigasho/kilde: TV2.NO 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x