lørdag, april 20, 2024

Dowlada Soomaaliya oo 27 -sano kadib safiir usoo magacowday dalalka Scandinavia-ka

Dowlada federelka ah ee Soomaaliya ayaa Danjire Cawaale Cali Kullane usoo magacowday safiirka Soomaaliya u fadhiya dalka Sweden iyo guud ahaan dalalka Scandinavian-ka. Waxuuna Amb. Kullane noqon doonaan safiirkii ugu horeeyay ee Soomaaliya ay ku yeelato wadamadaan Scandinavian-ka mudo 27-sano ah kadib. 

Jaaliyada soomaaliyeed ee Sweden ayaa xaflad soo dhaweyn ah u sameysay safiirkan cusub oo isbuucii soo gaarey dalka Sweden iyo safiirka dowlada Soomaaliya u fadhiya dalka Ruushka, Cabdullaahi Maxamuud Warsame uu isna marti ku ahaa kulankaas. 

[adsenseyu2]

Cawaale Cali Kullane ayaa kulankaas ka cadeeyay inuu noqon doono safiirka Soomaaliya u fadhiya wadamada Scandinavianka-, balse xaruntiisu ay noqon doonto dalka Sweden oo uu si gaar ah ugu magacaabanyahay. Wuxuuna  sheegay in magacaabistiisu ay qeyb ka tahay siyaasida arimaha dibada ee dowlada Soomaaliya, inuu Sweden u yimid matalida danta qaranka soomaaliyeed.

Kiiska 1600 ee soomaalida ah Norway= Must be top priority.

Magacaabista ay dowlada Soomaaliya safiirka ugu soo magacowday wadamadaan Scandinavianka, ayaa kusoo aadeysaa xili baahi aad u weyn loo qabay safiir iyo safaarad soomaaliyeed oo ka warqabta, waxna ka qabata xaalada jaaliyada soomaaliyeed ee wadamadan. Waxaa isku dar wadamadaas kunool dad soomaaliyeed oo 150 000 tiro ahaan ku dhow. 

Dalalka uu safiirkan cusub ku magacaabanyahay, ayaa waxaa kamid ah dalkan Norway oo ay kunool yihiin jaaliyad soomaaliyeed oo 41.000 gaaraya tiro ahaan. Dowlada Norway ayaa bartamihii sanadkan aan kujirno ee 2016, soo saartey go´aan ay ku sheegayso iney dib u qiimeyn ku sameyn doonto sharciyada magangalyada qoxooti soomaaliyeed oo 1600 gaaraya. Waxaana warqadaha digniinta magangalyo kala noqoshada helay dad soomaaliyeed oo 160 kor u dhaafaya(inta la ogyahay). 

Jaaliyada soomaaliyeed ee dalka Norway ayaa qabta tuhun ah in dowlada dhexe ee Soomaaliya, ay arintaas wax ka ogtahay ama ay heshiis dib u celin la gashay dowlada dalkan Norway. Markasta oo madaxda dowlada Soomaaliya arintaas wax laga weydiinaya, waxey uga jawaabaan si dad aan waxbo kala socon arimaha ka dhacaya dalalkan woqooyiga Yurub, sidaas darteed waxey magacaabista safiirkan cusub kusoo aadeysaa xiligii loogu baahi badnaa in la helo danjire goob joog ah oo waxyaabaha halkan ka dhacaya indhihiisa ku arka. 

Jaaliyada soomaaliyeed ee Norway, waxaa la gudboon iney sida ugu dhaqsiyaha badan safiirkaas ugu casuumaan Norway, si kiiska 1600 ee muwaadiniinta soomaaliyeed ah looga dhigo arimaha ugu horeeyo ee safiirkan cusub ay wax ka qabashadooda ay horyaalaan. 

Cawaale Cali Kullane ayaa horey usoo noqday safiirka qaramada midoobay ee dowlada Soomaaliya, waxaana lagu wadaa inuu isbuuca soo socdo warqadihiisa safiirnimo uu isbuuca soo socdo ku wareejin doonaa boqorka dalkaas Sweden Carl XVI Gustaf.

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x