tirsdag, mars 19, 2024

Tønsbergs Blad: 160 qof oo soomaali ah ayaa Tønsberg degan

Wargeyska lokalka ah ee Tønsbergs Blad, ayaa warbixin ka diyaariyey tirada dadka qoxootiga ah ee la rabay in sanadkan ay degmada Tønsberg soo qaadato. Waxaana warbixintaas lagu sheegay in tirada dadka qoxootiga ah ee la filayay in degmadaas ay sanadka soo socdo ee 2017 soo qaadato ay aheyd 125. Balse maadaama ay hoos u dhacday tirada dadka iska soo dhiibayay Norway, ay hada tiradaas noqdeen 80 qof oo kaliya.  

Warbixintan lagu daabacay wargeyska ayaa sidoo kale lagu sheegay tirada dadka ajaaniibta ah ee kala duwan ee degmadaas Tønsberg kunool. Waxaana Tønsberg degan guud ahaan dad gaarayo 42 000 qof oo 5000 oo kamid ah ay yihiin soo galooti.

Waxaana 5000 ee ajaaniibta ah kamid ah: 700(Polan), 466(Lituen), 406(Irak), 350(Swedish) iyo waliba 160 soomaali ah. 

Xigasho/kilde: Tønsbergs Blad-Papir avis( 24-11-2016, side 22)

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x