tirsdag, mars 19, 2024

Isbar bar dhig ku samee labadan wareysi oo ay Amal bixisay isbuucan(NRK VS SNTV).

Ciladaha bulsho oo ay dadkeenu leeyihiin waxaa kamid ah, iney qofka mucaaradaan iyaga oo aan aqoon fiican u laheyn, ama ay taageeraan si indho iyo dhago la´aan ah iyaga oo aan sifiican isaga hubin waxyaalaha qofka lagu taageeri karo. 

Amal Aden oo ah gabar qoraa soomaaliyeed ah, ayaa isbuucan gudahiisa wareysi siisay tv-ga qaranka soomaaliyeed ee SNTV iyo Tvga qaranka Norway ee NRK. Labadaba wareysiba waxaa aad looga hadalhayaa warbaahinta norwiijiga iyo kuwa soomaaliyeedba. Si gaar ah waxaa xiiso u lahaa wareysiga Amal iyo Xasan Raasto oo ahaa mid kamid ah wareysiyadii ugu horeeyay oo Amal ay siiso warbaahin soomaaliyeed(inta aan ognahay). 

Inkastoo aan jeclaan laheyn inaan waxbadan ka qorno wareysiga Amal Aden iyo Xasan Raasto, hadana qof walba oo soomaaliyeed oo warbaahinta Norway akhristo, wuxuu ogyahay iney jiraan waxyaalo badan oo u baahnaan lahaa tafaasiil dheeri ah. 

Ogowna mar walba, waxa muhiimka ah ma ahan Amal iyo shaqsiyadeeda iyo doorashadeeda, ee waa Amal Aden iyo qoraalada ay qorto iyo saameynta ay u leeyihiin xiriirka bulshada soomaaliyeed ee Norway iyo bulshada norwiijiga ah. Qoraalada Amal waxaa mar walba isticmaalo warbaahinta Norway oo ka dhigto xigashada ugu weyn, maadaama ay tahay gabar soomaaliyeed oo aqoon fiican u leh bulshada soomaaliyeed iyo habdhaqankeeda. 

Halkan ka daawo wareysiga xasan raasto iyo Amal

Halkana ka daawo wareysiga Amal iyo NRK.

Kadibna adiga iyo fikirkaa, aashaa iyo aqoontaa. 

[adsenseyu2]

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x