torsdag, mai 2, 2024

Dowlada Norway oo 50 milyan ugu deeqeyso Uganda iyo Somalia

War qoraal ah oo kasoo baxey boga rasmiga ah ee dowlada Norway, ayaa lagu sheegay wadamada in Soomaaliya iyo Ugaanda ay heli doonaan lacag deeq ah oo gaareyso 50 milyan, oo lacagta Norwey ah(NOK). Lacagtan ayaa sida lagu sheegay qoraalkan, lagu bixin doonaan ka qeybqaadashada dib usoo xasilinta nabada. 

50 milyan ayaa kamid ah deeqadaha dowlada Norway ay sanad walbe ugu deeqdo dowlada soomaaliya, iyada oo Soomaaliya ay kamid tahay wadamada deeqaha ugu badan ka hela dowlada Norway.

Dowlada Norway ayaa sanadkan 2016 deeqo lacageed ku bixisay lacag dhan 2,4 bilyan oo NOK. Waxeyna hada dowladu soo jeedisay qorshe ah in 500 milyan oo dheeri loogu deeqo dalalka dariska la ah siiriya, kuwaas oo marti galiyey qoxooti badan oo siiriyaan ah. 

Xigasho/kilde: Boga rasmiga ah ee dowlada Norway

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x