onsdag, april 24, 2024

Xusuusin: Maalinta axada ah(30-10-2016) waxaa waqtiga dib loo celinayaa hal-saac

Maalinta axada ah ee nagu soo aadan, bishuna ay tahay 30-10-2016, waxaa waqtiga Norway dib loo celinayaa hal saac. 

Sidaan ognahay waqtiga Norway marna saacad ayaa lagu daraa, marna saacad ayaa laga jaraa. Axada ugu danbeyso bisha maarso ee  sanad walbe ayaa waqtiga saacad lasoo hormariyaa. Waxaana mar labaad saacad dib loo celiyaa axada ugu danbeyso bisha October.

Habeenka axada ah marka ay saacadu tahay 02:00 am, ayaa waqtiga hal saac dib loo celinayaa oo waxey noqoneysaa 01:00 am. 

Moobiilada iyo computerada casriga ah intooda badan ayaga ayaa Automatic(si toos ah) isku badalo, balse saacadaha guryaha la dhigto waa in la badalaa. 

Waxaan xusuusineynaa bulshadeena soomaaliyeed ee Norway arintaas maanka ku hayaan maalinta axada ah ee nagu soo aadan. Gaar ahaan waxaan arintan si gaar ah u xusuusineynaa waalidiinta heysta caruurta iskuul aadeyso maalinta isniinta ah. 

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x