fredag, mars 29, 2024

Rune Berglund Steen: Dib u qiimeynta dowladu, waxey keenaysaa fowdo iyo degenaansho la´aan nafsiyeed

Tan iyo markii ay warbaahinta Norway ka warheshay in dowladu ay dib u qiimeyn ku sameyneyso sharciyada qaar kamid ah qoxootiga wadanka magangalyada ku heysto, ayaa waxaa iska soo dabadhacayo maqaalada iyo qoraalada arintan looga hadlayo, laguna cambaareynayo.

Rune Berglund Steen waa gudoomiyaha xarunta la dagaalanka midabtakoorka iyo cunsuriyada(Anti-rasistisk senter). Wargeyska Dagsavisen ayuu maanta kusoo daabacey maqaal kooban oo uu arinta dib u qiimeynta sharciyada uga hadlayo. Wuxuuna ku tilmaamey iney tahay mid aan laga fakarin cawaaqibta danbe ee ka imaan karta iyo waliba khalkhalka ay galin karto qoysaska caruurta heysta.

Wuxuu hadalkiisa raaciyey in xaalada amaan ee Soomaaliya aysan aheyn mid la isku haleyn karo xiligan, balse ay dowladu kasoo reynta amniga Soomaaliya ay ka dhiganeyso gabaad si ay dadka wadanka uga bixiso. Rune Berglund ayaa sidoo sheegay in dhibaatada bini aadanimo ee arintan ka dhalan karto ay tahay mid aad weyn, ayna aheyd in laga fiirsado inta aan la bilaabin fulinteeda.

Waxaan isweydiinayaa shaqsiyan in dowladu ay fahansantahay fowdada arintan ka abuurmi karta. Howsha dib u qiimeynta iyo dib ugala noqashaqada, waxey qaadan kartaa waqti dheer, waxaana muuqato inay soo galeyso dacwado, racfaan iyo maxkamado. Qoysaska arintan la kulma, waxaa soo wajaheyso fowdo iyo khalkhal noloshooda ah. Kuwo badan oo iyagana kamid ahna, waxey ka walwali doonaan meesha ay ku danbeyn doonaan mustaqbalkooda. Dadka inta sharciga lagala noqdo ma ahaane inta kale ee soo harta, waxaa halkaas ugu lumaya waqti badan oo qiimo lahaa, wadankana ay sifiican ugala qabsan kareen.

Khatarta ugu badan ee gaarka ah, waxey ku imaaneysaa qoysaska heysta caruurta yar-yar. Caruur laga yaabo iney soo mareen fowdo iyo dhibaatooyin hore, kana soo cararey si ay nolol cusub u bilaabaan, ayaa hadana marlabaad la galinayaa fowdo nololeed oo hor leh. Waxaan shaki ku jirin in ay hadhow soo wajihi doonto dhaawac nafsiyeed oo waxyeeleyn kara noloshooda danbe. 

Rune oo hadalkiisa sii wata ayaa sheegay in arintan ay dowlada xageeda ka tahay tijaabo, balse dadka la kulmaya ay ku noqon doonto dhibaato ay kasoo waaqsan waayaan. 

Xigasho/kilde: Dagsavisen-papiravis( 27-Oktober-2016, side 5)

[adsenseyu2]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x