lørdag, april 20, 2024

(Daawo wareysi) Gabyaaye: Waalidiinta soomaaliyeed haka warqabaan, waxa ay ilmahooda ku dhigtaan dugsiyada

Abwaan Saadiq Abdullahi Gabyaaye oo ah aabaha dhaley labadii gabdhood ee Siiriya u dagaal tagey, ayaa wareysi  uu waxbadan kaga hadlayo siiyey warbaahinta soomaalida, gaar ahaan tv-ga qaranka Soomaaliya ee SNTV. (Hoos ka daawo wareysiga gabyaaye)

Gabyaaye ayaa wareysigiisa kaga hadley arimo badan oo ay kamid yihiin sababta kaliftey in buug laga qoro aaditaanka gabdhihiisa ee wadanka Siiriya, dhibaatooyinkii oo soo marey si uu gabdhihiisa ugu soo guryo celiyo Norway iyo macluumaad kale oo tiro badan.

[adsenseyu2]

Gabyaaye ayaa sheegay in waagii hore caruurta looga baqi jirey iney daroogo iibiyaan ama kriminell noqdaan, sidaas darteedna masaajidka la geyn jirey si loogu xasiliyo. Wuxuuna sheegay in ay soo baxdey bohol kale oo ah niman raba iney caruurta soomaaliyeed madaxa ka duufsadaan. Isla markaana loo baahanyahay in waalidiinta soomaalidu ay la yimaadaan feejignaan dheeri ah oo arimahan ku saabsan. Gaar ahaana ay ka warqabaan waxa ay ilmahoodu ku dhigtaan dugsiyada quraanka ee la geeyo. 

Halkan ka daawo wareysiga gabyaaye oo dhameystiran. 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x