torsdag, april 25, 2024

Amal Aden: Waxaa la ii soo direy 322 fariimood oo hanjabaad ah

Amal Aden oo isbuucii hore wargeyska Dagbladet kusoo daabacdey maqaal ay uga hadleyso shaqada iyo qaar kamid ah dumarka soomaalida, ayaa sheegtay iney heshay 322 fariimood oo hanjabaad ah. Waxey sheegtay in loogu hanjabey waxyaabo ay kamid yihiin dil, kufsi iyo waliba dhagax ku dil. Dadka fariimaha hanjabaada ah usoo direy Amal ayay sheegtay iney yihiin dad waxbadan wadanka joogey, oo aheyd iney wadanka la qabsadaan mar hore. Sidoo kale waxey sheegtay iney dad soomaali ah uga soo hanjabeen meelo ka baxsan Norwey.

Sidoo kale dadka norwiijiga ah ee ka shaqeeyo howlaha qoxootiga iyo isdhexgalka ayaa Amal ku eedeeyey iney magaca ka dileyso ajaaniibta, isla markaana ay caqabad ku noqon karto howlaha isdhexgalka bulshada. Waxey sheegeen in Amal ay garabsiineyso kooxaha midigta fog ee ajaaniibta la dagaalsan. 

Amal ayaa sheegtay in maqaalkeeda lagu turjumey soomaali, balse si khaldan loo dhigey. Waxey sheegtay in lagu tilmaamey ineysan diinta islaamka xurmo u heynin ama aan daba socoto dadka soomaaliyeed. Waxey sheegtay iney xurmo u heyso diinta, mowduuca laga hadlayana uusan aheyn diin, balse ay rabtey iney furto dood cusub oo ku saabsan cida masuulka ka noqon dadka aan shaqeynin, iyaga oo diinta ku gabanaya.

Waxey hadalkeeda raacisey in hadafkeedu uu ahaa in arintan tooshka lagu ifiyo, si looga abuuro dood iyo wadahadal. Waan fahmi karaa in dadka qaarkiis aysan ila fikir aheyn, balse caayda iyo hanjabaadu ay yihiin waxyaabo kale oo aan meesha oolin.

Soomaaliyeey waxaan joognaa qarniga 21-aad ee caqliga iyo aqoontu ha shaqeyso:

Waa sax in Amal iyo maqaaladeedu ay magac iyo sharax xumo usoo jiidi karaan bulshadeena curdanka ah ee wadanka ku cusub. Waxaa muuqato in waxyaabo badan oo Amal ay qorto ay yihiin ruwaayad iyo qiyaali ay ayada dhoodhoobatey oo xaqiiqada ka fog. Waa la is dhihi karaa in Amal ay naceyb gaar ah u qabto bulshadii ay ka dhalatey ee soomaaliyeed. Waxaa la arkaa in Amal ay jeceshahay iney ayadu marwalbe ahaato qofka dulmanaha ah, iyada oo aan arkeyn bulshada 40 000 gaaraya oo ay magacooda iyo mustaqbalkooda ku ciyaareyso. Waa loo jeedaa  in Amal ay war malba ku mashquulsantahay soo saarista xumaanta iyo meelaha ay ka jilicsantahay bulshadeena soomaaliyeed, iyada oo adeegsaneyso magaceeda ay ku yeelatay saxaafada Norwey. Waxaa cad in dadkeenu ay dhibsadeen gabadhan naga dhalatey, ee xumaanta iyo caay nala daba taagan, shaqo kalena aan laheyn.

Balse hanjabaad iyo caay xal ma ahan, mana noqon doonto waligeed. Waa khalad aad u weyn in hanjabaad loo diro Amal iyo qofkasta oo heysta fikir ka duwan kan bulshadeenu ay qabto. Ma joogno qarnigii 18-aad ee lagu kala bixi jirey xooga iyo muruqa. Ma joogno xiligii lagu kala bixi jirey waranka, seefta, iyo qoriga caaradiisa. Ma joogno waagii la dhihi dhihi jirney, nin warankaagu galin, weedhaadu ma gasho. Bulshadeenu waa iney ka dheeraataa wax walba oo khal-khal galin kara amaanka iyo nolosha qof bini aadam ah. Marnaba sax ma ahan in Amal hanjabaad loo diro.

Waxaan joognaa qarnigan 21-aad, ee aduunyadu ay ku tartameyso caqliga, aqoonta, qalinka iyo qoraalka. Waxaan joognaa Norway oo uu qofku xor u yahay fikirkiisa iyo cabirka oraahdiisa. Amal waxaa looga badin karaa af iyo aqoon. Sheeko xariirta ay dhowrkii isbuucba mar soo mala awaalato, waxaa lagaga hortagi karaa qoraalo, maqaalo iyo muuqaalo.

Meesha Amal looga direy 322 fariimood oo hanjabaad ah, waxaa kun iyo kow jeer ka xoog badan in la helo toban qof oo maqaalo jawaab ah mediayaha wadanka kaga bixiya qoraalada Amaal.

Xigasho/kilde: Dagbladet

[adsenseyu2]

 

 

 

 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x