mandag, april 15, 2024

Wiil soomaali-norwiiji ah oo kaalinta 3-aad ka galay tartanka doon-wadida caalamka

foto: Norges Padleforbund.

[adsenseyu1]Hakeem Teland oo ah 17 jir soomaali ah, hooyadiina ay norwiiji tahay ayaa shalay kaalinta sadexaad ka galay tartanka doon-wadida dhalinyarada caalamka, isaga oo ku guulaystay bilada maarta. Waxaana tartankan ka qaybgalayay tartamayaal ka socday 45 wadan oo ku kala yaalo shanta qaaradood ee aduunka. Hakeem ayaa nus-ilbiriqsi ama ilbiriqsi barkeed/0,5 second ka danbeeyay qofka galay kaalinta koowaad,  halka uu 0,152 second ka danbeeyay qofka galay kaalinta labaad. Waxaana tartankan doonta la wadayay iyada oo la adeegsanayo qoryo 1,2 KM.

Hakeem-på-pallen

17 jirkaan soomaaliga ah ayaa shalay dhigay taariikh gooni ah, maadaama uu noqday qofkii ugu horeeyay ee dhalinyaro ah oo isaga oo Norwey matalayo ka qaybgalay tartankan. Waxa uuna sidoo kale kaalinta 5-aad kasoo galay tartanka doon wadida ee qaarada yurub oo dhan, oo sanadkii hore la qabtay. Hakeem ayaa tartanka kadib sheegay inuu aad ugu faraxsanyahay  inuu bilad ku guulaysto tartankiisii ugu horeeyay oo heer caalami ah oo  uu ka qaygbalo. Taas oo ilowsiinayso tartankii qaarada yurub oo uusan ku guulaysan wax bilad ah sanadkii hore. Waxa uuna intaas ku daray in uu hada isku diyaarinayo tartanka Norwey iyo kan wadamada Nordica oo dhacayo bilaha soo socdo. 

THakeem Norsom Newsvga qaranka Norwey ee NRK ayaa sanadkii 2014, warbixin ka diyaariyay Hakeem oo ciyaaro tartamo badan oo ay kamid tahay doon wadida, Dabaasha, orodka iyo waliba kubada cagta. Ururo iyo kooxo badan oo ka shaqeeyo ciyaaraha fudud ayaana si isku mid ah uwada qiray in Hakeem uu leeyahay hibo gaar ah mustaqbal ciyaareed oo weyn, balse aysan garan karin meesha uu cag dhigan doono maadaama uu tartamo badan si isku mid ah uga wada qaybgalo. Sidoo kale Macalimiinta tababarto wiilkan ayaa sheegay inuu isku darsaday awood ciyaareed oo xad dhaaf ah iyo tababar joogto ah. Hakeem ayaa hada u eg inuu noqday mid cagta saaray wadada tartanka doon wadida. NRK ayaa warbixinteeda kusoo bandhigay bilado iyo abaal-marino ku dhawaad boqol gaarayo oo uu hakeem ku guulaystay intii ku jiray tartamadaas kala duwan(Warbixinta NRK hoos ka akhriso).

[adsenseyu1]

Warbixinta NRK: Talentet alle vil ha 

XIGASHO: FVN.NO

 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x