lørdag, april 20, 2024

Ciise Midnimo oo gool dhaliyay, guulna ku hogaamiyay KFUM

Kaptankii hore ee xulka qaranka Soomaaliya iyo kooxdii xidigaha Elman, Ciise Aden Abshir (Midnimo) ayaa shalay markii labaad shabada u ruxay kooxda KFUM oo sadex iyo eber(3-0) ku dirtay kooxda Bryn. Midnimo ayaa daqiiqadii 24-aad ee ciyaarta gool madax ah ciyaarta ugu furay kooxda KFUM, iyada oo goolkan uu ahaa kii labaad oo uu dhaliyo mudadii uu kooxda la joogay.

Guushan maanta uu midnimo qaybta ka ahaa ayaa noqonaysa midii ugu horeysay oo ay kooxda KFUM la timaado mudo laba bilood ah, iyado oo kooxdu aysan badin lixdii ciyaarood ee ugu danbeysay. KFUM oo la daalaa dhacayso dhaawacyo tiro badan oo ay kooxda uga maqanyihiin laacibiin muhiim ah ayaa hada soo ciriirsatay kaalinta 11-aad ee horyaalka heerka labaad ee Norwey. 

Midnimo oo KFUM kusoo biiray bilowgii sanad-ciyaaradkan ayaa kamid noqday kooxdada joogtada ah ee KFUM, isaga oo ciyaaray dhamaan 19-kii kulan oo ay kooxdu ciyaartay sanad-ciyaareedkan. Ciise oo waagii hore weerar uga ciyaari jiray xulka qaranka Soomaaliya ayaa hada xoreystay booska daafaca dhexe ee KFUM. 

Xigasho/kilde: Dagsavisen

[adsenseyu1]

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x