fredag, april 19, 2024

Yoonis Yuusuf: Marar badan ayay boolisku baaritaan igu sameeyeen, sababtoo ah waxaan ka muuqaal duwanahay dadka intiisa kale.

 

Wargayska Aftenpostenka ayaa maalmihii ugu danbeeyay soo daabacayay maqaalo ay kusoo bandhigayeen afkaarta majaajileytayaal kala duwan oo caan ka ah wadankan Norwey. Shalay ayay waxaa markiisa lasoo bandhigay  Jonis Josef oo ah majaajileeste ama komiker soomaali norwiiji ah, asaga oo ka hadlay fikirkiisa ku aadan qaabka ay mujtamac norwiijiga guud ahaan, gaar ahaana booliska Norwey ay ula dhaqmaan dhalinyarada ajaaniibta ah ee wadankan ku koray. 

Waxaan aad ugu faraxsanahay inaan ku koro wadan aan aan si xor ah meesha aan rabo u maro, aniga oo aan ka cabsi qabin in kuwii amnigeyga ilaalin lahaa ay i toogtaan. Taas michaneeda ma ahan inaanan booliska aan ka baqin, laakiin waa uun dareen cabsiyeed oo kali ah, ee ma ahan khatar halis ah nafteyda uga baqayo. Marar badan ayay boolisku i baareen, waxaana u dareemayaa in la ii baarayo sababtoo ah waxaan buuxinayaa muuqaal gooni ah iyo inaan aha nin dhalinyaro ah oo kasoo jeedo wadan aan reer galbeed aheyn. Inay taas dhacdo sax miyaa?. May, laakiin way ka sii darnaan laheyd hadaan tusaale ahaan degenaan lahaa mareykanka. Sanadkii 2015 waxaa gacanta booliska Mareykanka ku baxay 1314 dhalinyaro madow ah. Qofka dhalinyarada madowga mareykanka ahna wuxuu 21 jeer in kabadan kan dhalinyarada cadaanka ah uu khatar ugu jiraa in ay boolisku toogtaan. 

Wasiirka cadaalada iyo amniga Norwey Anders Annundsen wuxuu isku dayayaa inuu sameeyo wax walbe oo awoodiisa ah, si booliska Norwey ay hubka u wataan si joogto ah. 24. November 2014 ayaa booliska Norwey loo fasaxay inay hubka qaataan si kumeel gaar ah. sababtuna waxay ahayd khatar argagiso oo cabsi loogu jiray. Boolisku waxay hubka wadan lahaayeen afar isbuuc oo kali ah, balse mar walbe waqti ayaa loogu kordhinayay iyaga oo sanadkii 2015 oo dhan watay hubkooda, ilaa bishii februar ee sanadkan ay hay-ada maamusha booliska Norwey ay go-aamisay in booliska hubka ay baabuurta uga dhex tagaan oo aysan banaanka u qaadan. Wasiirka cadaalada iyo amniga marar badan ayuu cod dheer ku sheegay inuu rabo in boolisku ay hubka u sitaan si joogto ah, inkastoo uu sanadkii 2015 ahaa tusaale fiican oo laga baran karay in aysan hub qaadan. intii u dhaxaysay 2011 ilaa 2014 waxaa booliska ka fakaday 4 xabadood oo si kadis uga dhacday  hubkooda, halka sanadkii 2015 oo kali ahna ay 23 xabadood ay ka dhaceen si kadis ah hubka booliska Norwey. 20 kamid ahna waxay ka dhex dhaceen xarumaha booliska ama baabuurtooda. 

Waxaan ku koray magaalada Skien, xaafad ay ku badanyihiin ajaaniibta. Waagaan yaraa ma dareemi jirin in si ka duwan dadka kale naloola dhaqmo,ilaa aan soo gaaray dugsiga dhexe. Mar walbe oo aan isku dayno inaan wax kasoo gadano dukaanka kuyaal xaafada, shaqaalaha dukaanka isha ayay si gaar ah noogu heyn jireen, iyaga oo ka baqayo inaan wax ka xadno. Markii danbe ayaan hab aan ku khiyaano u dagnay, waxaan dukaanka halmar u wadi jirnay dhamaan wixii dhalinyaro ajaaniib ah oo aan naqaanay. Inta shaqaalaha dukaanku ay ku mashquulsanyihiin la socoshada kuwaas, ayaan saaxiibadeena norwiijiga dukaanka dhinaca kale kasoo gali jireen oo dukaanka dhan noo soo xaalufin jireen.

Hadii aad tahay qof muslim, madow soomaali ah wax ka xun majirto inaad joogto meel ay joogaan dad norwiiji oo kali ah, isla markaana uu qof kamid ah dadka aad la joogtay uu waayo mobilkiisa. Qof ugu horeeyo ee laga shakinayo waa adiga. Mararka qaarkood intaan cid kale la gaarin, aniga ayaaba iska shakiyo, sababtoo waxaan sanooyin tiro badan la noolaan shakigan joogtada ah, ilaa uu markii danbe uu ii noqday wax caadi ah.  Si kasta oo luuqad norwiiji fiican aan ugu hadlo, si kasta oo aan mujtamaca wax ugu soo kordhiyo, waxaan mar walbe ahaanayaa qof ka duwan bulshada inteeda kale. 

Booliska Norwey xaq uma laha inay qof baaraan, ama hantidiisa ama gurigiisa baaraan ilaa ay heestaan cadeyn sax ah ama uu jiro shaki laga shakisanyahay qofkaas. Laakiin hadii uu shaki meesha yimaado, waxay uu baari karaan kor iyo hoosba, laakiin waa su aale yaa weeye qofka la shakin karo?. Waa kuwo naga mid ah anaga ee muuqaal gaar leh, arintaas waxay ahayd xaqiiqo aniga iyo dadka ila midka ahi ay la noolaayeen waligood. Hadana hadii boolisku loogu daro inay hub qaataan, waxaa la joogaa xiligii arintan ay cidi istaajin laheyd.

 

Xigasho/Kilde: Aftenposten

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x