torsdag, april 25, 2024

Sylvi Listhaug oo mar kale usoo malabsanayso inay wax ka badasho xeerarka magangalyada wadanka

Dhowr isbuuc kahor ayay ahayd markii uu baarlamaanka Norwey diiday ansixinta qaar kamid ah qodobo ay soo jeedisay wasiirada arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada, kuwaas oo ku saabsanaa wax ka badalida iyo adkeynta sharciga magalgalyada Norwey. Si kastaba Sylvi Listahaug oo taageero ka helayso xisbigeeda FRP iyo xisbiga kale ee Høyre ayaa ku guulaysatay inay meel-mariso qodobo wax weyn ka badalay sharciyada magangalyada wadankan, taas oo sababtay in dadkii iska soo dhiibi jiray Norwey ay si lama filaan hoos ugu dhaceen.

[adsenseyu1] 

Sylvi ayaa hada markale sheegayso in faanoole aysan fari ka qodneyn, ayna rabto inay isku diyaariso dagaal ay u gasho sidii baarlamaanka Norwey ay uga meelmarin lahayd qodobo kale oo sii adkeeyo xeerka qoxootiga, gaar haan qoysaska isku dacwoonayo iyo caruurta aan wali qaan-gaarin ee wadanka iska soo dhiibayso. Waxayna intaas ku dartay in ay markii hore aad uga xumeyd in uu baarlamaanka Norwey diiday ansixinta qodobadan ay ayadu u aragto in danta wadanku ay kujirto.

listhaug ayaa sidoo kale sheegtay inay si gaar ah isha ugu hayaan wadamada Denmark iyo Sweden oo iyaguna wax weyn ka badalay sharciyadooda magangalyada. Hadii wax ka badalka sharciyada magangalyada labadaas wadan ay keento in ay dad badan soo aadaan xaga Norwey, ayay sheegtay in ay markaas ku qasbanyihiin inay sii adkeeyaan sharciyada magangalyada wadankan. Waxay kaloo intaas ku dartay in sida ugu fudud uguna kharash yar dhaqaala ahaan ee arimaha qoxootiga wax looga qaban karo ay tahay in lagu caawiyo wadamada dariska ah oo ay kusoo qaxeen.  

Qaar kamid ah xildhibaanada xisbiyada KRF, AP iyo Venstre ayaa Listhaug ka codsaday in inta aysan la imaan qodobo cusub ,ay marka hore fuliso kuwii lagu heshiiyay. Waxayna intaas ku dareen in ay adagtahay in balan ama heshiis lala galo xisbiga FRP oo hadba dhinac isku rogayo, aana laheyn siyaasad degan oo dhamaan siyaasiyiinta xisbiga iyo dowlada ay kujiraanba ka wada dhaxeyso.

Listhaug ayaa u eg mid ka faa iideysanayso cabsida iyo shakiga tirada badan ee dadku ay ka qaadaan qoxootiga cusub ee wadanka soo galayo, gaar haan kawa muslimiinta ah, kadib weeraradii ka dhacay wadamada Germay, France iyo Belgiumka. 

Xigasho/Kilde: Dagbladet

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x