torsdag, april 25, 2024

In qof lagala noqdo sharciga dhalashada Norwey, waa sharci daro kahor imanayso xeerka Q.M

Prof. Per Arne Slotte

Waxaa maalmihii ugu danbeeyay ka socday warbaahinta Norwey qaarkeed, dood iyo maqaalo ay is wardaaysanayaan sharci yaqaano wax ka dhiga jaamacadaha wadanka iyo maamulka laanta socdaalka ee UDI-da. Doodaas oo ku saabsan awooda sharci ahaaneed oo ay UDI-du haysato, marka ay qaadayaan talaabooyinka qaarkood. Waxaana xusid mudan in ay doodan ka bilaabatay maqaalkii uu jimcihii lasoo dhaafay wargayska Klassekampen kusoo daabacay Eng.Mahad Abiib.

Prof. Per Arne Slotte oo wax ka dhigo jaamacada NTNU ee magaalada Trondheim, ayaa shalay maqaal kooban kusoo darsaday doodan socotay maalmahan. Waxa uuna maqaalkaan kaga hadlayaa sadex qodob oo sharciga garab marsan, oo UDI-du ay ku dhaqaaqday. 

  1. Sharci ahaan UDI-du waxay ku shuqul leedahay howlaha ajaaniibta oo kali ah. Marka uu qofka qaato dhalashada Norwey, wuxuu noqonayaa muwaadin u dhashay wadankan, isla markaana aan hoos tagin UDI-da.  In ay wali faraha kula jiraan howlaha dad muwaadiniin ah oo u haysto dhalashada wadankana, waa wax ka baxsan howlaha loogu talagalay in ay UDI-da iyo laamaheeda kala duwan ay qabtaan.

  2. Norwey ma aqoonsana in uu qofku labo-dhalasho isku haysan karo. Marka uu qofku qaadanayo dhalashada wadankan Norwey, waxaa laga qaadaa ama laga celiyaa dhalashadii uu horey u haysan jiray. Sidaas darteed in qofka lagala noqdo halkii dhalasho oo uu haystay, horeyna looga qaaday tiisii hore, waxay jabinaysaa xeerka qaramada midoobey ee xuquuqul insaanka, qodobkiisa 15-aad. Qodobkaas oo dhigaya in qof walbe uu xaq u leeyahay inuu lahaado dhalasho aan laga qaadi karin, loona diidi karin.

  3. Marka uu qof sameeyo wax danbi ah, tusaale ahaan inuu bixiyo macluumaad aan sax aheyn, waa in qofkaas la hor-geeyaa maxkamad kala saarto inuu qofku danbiga galay iyo inkale, islamarkaana ciqaab marsiisa ama sii dayso.

    Waana sida caadiga ah ee qof walbe oo muwaadin ah oo danbi sameeyo loola dhaqmo, howshaasna ma ahan mid u taalo UDI-da, oo ku shuqul leh howlaha ajaaniibta.

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x