lørdag, november 23, 2024

Dowlada Norwey oo rabta inay wax weyn ka badasho lacagaha kaalmada ee la siiyo dadka qoxootiga ah

Arbeidsmiinister Anniken Hauglie (H)

Wasiirada shaqada Norwey Anniken Hauglie oo ka tirsan xisbiga Høyre ayaa maanta baarlamaanka Norwey u gudbisay sharciyo cusub oo ay rabto inay wax kaga badasho lacagaha kaalmada ah ee la siiyo dadka qoxootiga ah ee Norwey degan. Waxayna sheegtay in ay dowladu rabto inay meesha ka saarto xuquuq dheeri ah oo ay helaan dadka qoxootiga ah, xuquuqdaas oo aysan helin dadka u dhashay wadanka ee dibada ku maqnaa ama wadamo kale ka shaqeyn jiray. Wasiiradan ayaa sheegtay in: Hadii uu maanta qof qoxooti ah imaado Norwey, wuxuu si toos ah uga mid noqdaa sanduuqa kaalmada dadweynaha( Folketrygden), taas oo xaq u siinayso inuu helo lacagta dadka da ahaan howlgabka ah(alderspensjon), lacagta la siiyo dadka naafada ah ee aan shaqeyn karin( uføretrygd), lacagta la siiyo waalidka caruurta labada sano ka yar haysto( konstantstøtte) iyo xuquuqo kale isaga oo aan waligiis ka dhex shaqeyn wadanka. Hadii uu qof wadanka u dhashay oo mudo ku maqnaa dibada uu rabo inuu helo lacagahaas waxaa shardi looga dhigaa inuu wadanka joogo sadex sano

Waxayna sheegtay in loo baahanyahay in habka kaalmada dadweynaha wadanka wax laga badalo, si isku mid loola dhaqmo dadka wadanka u dashay ee dibada ku maqnaa iyo dadka qoxootiga ah. sharciyadan ayaa dabo socdo heshiis ku saabsan adkeynta sharciyada qoxootiga oo ay sanadkii hore wada galeen xisbiyada wadanka intooda badan.

Dowlada ayaa soo jeedisay in:

  1. La joojiyo lacagta howlgabka buuxdo ah ee la siiyo dadka qoxootiga ah ee da doodu ka weyntahay 67 sano ama aan shaqeyn karin, laguna badalo lacag kaalmo ah yar ah oo qofka la siiyo si uu ugu noolaado(supplerende stønad)

  2. In shardi laga dhigo in uu qofka qoxootiga ah uu wadanka degenaado  shan sano si loogu bilaabo lacagta la siiyo waalidiinta haysta caruurta ka yar labada sano(konstantstøtte).

  3. In sidoo kale lasoo rogo shardi ah inuu qofku wadanka degenaado shan sano, si loogu bilaabo lacagta la siiyo  dadka aan shaqeyn karin(uføretrygd), waalidiinta caruurta kaligood haysto(enslige forsørgere), lacagta la siiyo caruurta uu mid kamid ah waalidkood geeriyooday(barnepensjon)

  4. in la dhimo xiliga uu qofku wadanka ka maqnaan karo isaga oo lacag ka qaadanayo sanduuqa kaalmada dadweynaha. Qofka waxa uu wadanka ka maqnaa karaa 90 maalmood isaga oo wali qaadanayo lacagiisa kala duwan, hada waxay dowladu soo jeedisay in xiligaas 90 maalmood ah laga dhigo 45 maalmood.

Anniken Hauglie oo xilka wasiirnimo haysay tan iyo dhamaadkii sanadkii hore ayaa sheegtay in hadafka ay dowladu ka leedahay sharciyadan cusub ay tahay in uu dadka qoxootiga ah ee wadanka ku cusub lagu dhiirigaliyo in uu shaqaystaan oo iskood isku biilaan, inta uu ku xisaabtami lahaayeen lacagaha kala duwan ee kasoo galo sanduuqa kaalmada dadweynaha dowlada. Waxay sidoo kale sheegtay in hadii ay baarlamaanu ansixiyaan sharciyadan, isla markaana ay dhaqan galaan ay dowlada u baaqanayso lacag dhan 3 ilaa 5 bilyan NOK sanad walba. Xisbiyada FRP ayaa dhankooda sheegay in sharciydan cusub ay yareenayaan dadka qoxootiga ah ee magangalyada usoo doonanayo Norwey. 

Ururka u dooda xuquuqda qoxootiga ee NOAS(Norsk organisasjon for asylsøkere) ayaa sheegay in shuruucdan aysan dadka ku saacideyn in ay si shaqso ah u shaqo bilaabaan, isla markaana aysan suurtagal ahayn in qof aan shaqeyn karin lagu qasbo inuu shaqeeyo. Waxay kaloo sheegeen in cida ay saameynta ugu weyn ku yeelanayso sharciyadan ay tahay dadka jilicsan awood ahaan ee ka tirsan qoxootiga. Waxayna sheegeen in dad badan oo qoxooti ah ay la ildaranyihiin xanuuno iyo dhibaatooyin kale.

Sharciyadan cusub oo maanta loo gudbiyay gudiga dhagaysiga baarlamaanka Norwey, ayaan dib loogu soo celin doonaa baarlamaanka marka ay ansixiyaan gudigaas. Waxaana shaki badan kujiraa inay meel mari doonaan, maadaama xisbiga AP oo kuraasta ugu badan ku leh baarlamaanka Norwey uu dhaliilsanyahay sharciyadan, iyaga oo sheegay in aysan meel marin doonin sharciyo dadka qoxootiga ah ee Norwey degan ka dhigayo sabool. Xisbiyada kale ee SV, SP iyo KRF ayaa ayagana dhankooda dhaliilsan qodobada qaar.

ASharciyadan ayaa hadii ay dhaqan galaan ugu horeyn fuli doona sanadka 2017. Dowlada Norwey ayaa hayso jidkii Denmark oo mudo aan aan fogeyn kahor soo rogtay sharciyo noocan oo kale ah. 

Xigasho: Regjeringen.no, Aftenposten, VG, Dagbladet

 

 

 

 

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x