lørdag, april 20, 2024

Abdisalaam Cadaay oo dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay, guul-darona ka bad-baadiyay kooxda Viking.

Abdisalaam Ibrahim Cadaay oo ah laacib soomaali norwiiji ah, khadka dhexena uga ciyaaro kooxda Viking ee ka dhisan magaalada Stavanger  ayaa shalay dhaliyay goolkiisii ugu horeeyay ee kooxda viking, tan iyo markii uu kusoo guryo-noqday horyaalka heerka koowaad ee kubada cagta Norwey, bilowgii sanadkan aan kujirto ee 2016. Viking oo uu damac uga jiro inay kamid noqoto sadexda kooxood ee ugu dhibco badan horyaalka sanadkan, ayaa shalay leecin wayday kooxda uu xifaaltanka adagi ka dhaxeeyaan ee  Odds Ballklubb, kana dhisan magaalada Skien. Inkasta oo Viking ku gacan saraysay maamulista ciyaarta, hadana way awoodi waayeen inay goolal la yimaadaan wax dhaafan bar-bar dhac 2-2 ah.

Abdisalaam Cadaay ayaa daqaaqadii 40-aad ee dhamaadkii qaybtii hore dhaliyay gool ay niyada ku qabowsadeen taageerayaasha safarka dheer usoo galay daawashada ciyaarta kooxdooda. Daqiiqadii 53-aad ayay Odd iska soo guday goolka uu cadaay dhaliyay, halka daqiiqadii 78-aad ayba ugu sii raaciyeen gool kale oo ciyaarta ka dhigay 2-1 oo ay ODD ku hogaaminayso. Kooxda Viking ayaa daqiiqadii 90-aad la timid goolka bar-bardhaca, inkasta oo ay awooday inay goolkaas iyo goolal kale ay dhaliyaan qaybtii danbe ee ciyaarta( Goolasha ciyaarta hoos ka fiirso).

Cadaay oo 24 sano jir ah ayaa bishii january ee sanadkan heshiis sadex sano ah qalinka ugu duugay kooxda Viking,  waxa uuna wixii intaas ka danbeeyay kamid noqday kooxda joogtada ah ee Viking. Isaga oo ciyaaray dhamaan ciyaarihii ay kooxdu ciyaartay, marka reebo kulamo uu dhaawac ku maqnaa.  Ibrahim ayaa sidoo kale ah laacibka ugu badan ee bixiyay goolasha caawinta(asssist) horyaalka Tippeligaha sanadkan. 

 

Goolasha ciyaarta halkan ka daawo: Viking mot ODD

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x