Xarunta dhexe ee qaabilsan tirokoobka iyo ixsaa iyaadka ee SSB(Statisk Sentralbyrå) ayaa maanta soo saartay Tirokoobkii sanadlaha ahaa oo ay kaga hadli jirtay heerka aqoonta dadka degan Norwey. Tirokoobkan cusub ayay xaruntu ku sheegtay in guud ahaan 32% dadka degan Norwey ay haystaan shahaado jaamacadeed, iyada oo guud ahaan tirada dumarka ee ka baxa jaamacadaha ay ka badanyihiin tan raga. Sidoo kale waxay xaruntu ay sheegtay in ku dhawaad 50% dadka Oslo degan ay leeyihiin aqoon heer jaamacadeed ah.
Markii labaad ayay xaruntu soo bandhigtay tirokoob tilmaamaya heerka aqoonta dadka soo galootiga ah iyo waliba ciyaalka ay dhaleen. Tirokoobkan ayaa tibaaxaya in heerka aqoonta ee dadka qoxooti ahaan ku yimid Norwey ay ka hoosayso heerka dadka kale ee ajaaniibta ah. Dadka qoxootiga ah ee ka yimid afrikana ay yihiin kuwa ugu hooseeya heerka aqoonta marka la bar-bar dhigo qoxootiga ka yimid qaaradaha Aasiya iyo Yurub. Waxay kaloo xaruntu sheegtay in ay jirto farqi weyn oo u dhaxeeyo heerka aqoonta raga iyo dumarka ee dadka qoxooti ahaan ku yimid Norwey, ee kasoo jeedo qaarada Afrika.
Hadaan u nimaano soomaalida: waxaa tirokoobkan lagu sheegay in ay Norwey deganyihiin guud ahaan 23 946 qof oo soomaali ah oo jiro ama ka weyn 16 sano (da’da uu qofka kaga baxo iskuulka hoose dhexe), waxayna heerkooda aqoonta u qaybsamaan sidatan:
-
380 qof oo soomaali oo Norwey degan, waxay heestaan shahaado jaamacaded oo heerka PHD ama Master ah=1,5%
-
1739 qof oo soomaali ah oo Norwey degan waxay heestaan shahaado jaamaceed oo heerkoodu yahay Bachelor ama dhigrii jaamaceed oo kale=7,2%
-
3 656 qof soomaali ah oo Norwey degan waxay heestaan shahaadada dugsiga sare ee Videregående=15,2%
-
15 472 qof oo soomaali ah oo Norwey degan waxay ka baxeen oo dhameeyeen dugsi hoose dhexe=64,6%
-
2 699 oo soomaali ah waxaa u diiwaan gashan inaysan waligood iskuul soo dhigan oo umi yihiin=11,2%
Isku dar waxaa shahaado jaamacadeed haysta 2119 qof oo soomaali ah, waxayna ka dhigantahay in ku dhawaad 9% dadka soomaaliyeed ee Norwey degan ay haystaan shahaado heer jaamacadeed. Tiradaas oo ah mid aad ugu badan kuwii hore sanadadii hore. Waana wax aad loogu farxo in ay kor u kacday tirada dadka soomaaliyeed ee Norwey degan oo leh aqoon sare. Waxaa rajadan garab socdo in ay jiraan caruur kor u dhaafayso 10 000 oo soomaali ah oo Norwey degan oo wali ka yar da,da 16ka sano. Taas oo ka micno ah in ubadkaas ay wali jaanis u haystaan in ay waxbarasho heer jaamacadeed ah gaaraan. Ururka ardeyda soomaaliyeed ee Norwey(SSF) ayaa sidoo kale noo xaqiijiyay in tirada ardeyda soomaaliyeed ee hada dhigata jaamacadaha inay u dhaxeeyaan 500 ilaa 1000 ardey. Sidoo kale waxay noo sheegeen in tirada gabdhaha soomaalida ah ee jaamacadaha Norwey dhigta ay laba jibaar ka badanyihiin tan wiilasha. Isku soo wada duubo, waxaa muuqda rajo iyo iftiin bilow ah oo ku saabsan in heerka aqoonta dadka soomaaliyeed ee Norwey degan uu isbadal weyn ku iman doono 10 sano ee soo socoto.
Tirokoobka ayaa sidoo kale cadeynaya i ay soomaalidu tahay dadka ugu badan ee aan iskuul soo dhigan ee Norwey dagan, waxayna dadkaas gaarayaan 2699. Balse waxaa hubaal in tiro badan oo dadkaas kamid ah ay iskuul soo dhigteen ama aqoon ay leeyihiin, balse markii ay wadanka iska dhiibayeen ay diiwaan gashteen inaysan wax soo baran. In ay Norwey joogaan dad tiro intaa le eg oo soomaali ah oo aan iskuul soo dhigan, waxay hoos u ridaysaa tayada iyo heerka aqoonta dadkeena soomaaliyeed ee Norwey. Sidaas darteed waa muhiim in dadkaas ay ka faa iidaystaan waxbarashada bilaashka ah ee wadanka taalo, hadii ay jaanis iyo awood u haystaan.
Waxaa kalo xusuusin naga mudan in tirokoobkan uu yahay mid ku salaysan warbixinadii ay xarunta SSB ay soo uruurisay sanadkii lasoo dhaafay ee 2015. Sanadkan aan hada kujiro ee 2016 waxaa tirokoobkiisa lasoo saarayaa sanadka danbe ee 2017.