Baarlamaanka Norwey ayaa maalinta jimcaha ah ee nagu soo aadan ka doodayo 40 qodob ay soo gudbisay wasiirka arimaha soo galootiga iyo isdhexgalka bulshada Sylvi Listhaug. Qodobadaas oo ay rabto inay ku adkayso sharciga magangalyo siinta qoxootiga iyo qoysaska raba inay dib u midoobaan. Xisbiga ay ka tirsantahay ee FRP iyo xisbiga kale ee dowlada hogaankeeda haya ee Høyre ayaa ayagu horey u ansixiyay qodobadan afartanka ah, halka xisbiga kale ee baarlamaanka ku jiro ay qodobada qaarkood diidanyihiin, xisbiyada qaarna waaba kasoo horjeedaan dhamaan afartanka qodob oo ay soo jeedisay Sylvi Listhaug.
Waxaan halkan kusoo bandhigaynaa qodobada ugu muhiimsan ee looga doodayo baarlamaanka ee aan isleenahay waxay saameyn ku yeelaan doonaan bulshada soomaaliyeed ee ku dhaqan wadankan:
-
Shardi lacag oo lagu xirayo qofkii raba inuu u dacwoodo qof famili ah: Maanta hadii uu qof helo sharciga Norwey, waxa uu haystaa 12 bilood oo uu ugu dacwoon karo qof qoyskiisa, isaga oo aan lagu xirin wax shuruud ah. Hadii aadan dacwada bilaabin 12-kaa bilood gudahooda waxaa lagaa rabaa inaad shaqayso 305 200 kroner sanadkan iyo kii ka horeeyayba si aad u maarayso nolosha qofka aad keenayso wadanka. Dowlada Norwey ayaa hada rabto inay gabi ahaanba joojiso 12-kaa bilood ee uu qofka jaaniska loo siinayo dacwada, isla markaana qof walbe oo raba inuu u dacwoodo qof famili ah uu 305.200 sanadkii :Qodobkan wuxuu u egyahay mid aan meel mari doonin, maadaama xisbiyada intooda badan ay kasoo horjeedaan, marka laga reebo Høyre iyo FRP. Laakiin waxay u badantahay in 12-ka bilood lasoo yareeyo oo laga dhigo 3 bilood. Hadii uu qofka ka gaari waayo sadexdaas biloodna lagu xiro shuruud lacag oo dhan 252 472 kr inuu shaqeeyo sanadkii.
-
Dib i qiimenyta sharciga magangaylada caruurta: Dowlada Norwey ayaa soo jeedisay in hadii qof ka yar 18 sano uu magangalyo waydiisto Norwey, la siiyo sharci magangalyo ku meel gaar ah inta uu ka qaangaarayo. Markii uu 18 sano gaarana, dib u qiimeyn lagu sameeyo sharcigiisa, isla markaana loola tacuumulo sidii qof weyn oo markaa sharci magangalyo codsanayo. Arintan ayaa si gaar ah u taabanayso caruurta ka timaado wadamada Afghanistan iyo Ereteriya.: Qodobkaana waxay u badantahay inuusan meel-marin maadaama xisbiyada Venstre, Ap iyo KRF ay dhaliilsanyihiin qodobkan.
-
Kor u qaadida mudada sharciga degenaanshaha: Dowlada Norwey ayaa rabta inay kor u qaado mudada uu qofka wadanka joogayo si uu u codsado sharciga degenaanshaha rasmiga ah oo hada sadex sano ah, iyada oo rabta in laga dhigo shan sano,: Qodobkana uma eka mid meel mari doona maadaama ay xisbiga KRF, AP iyo Venstre ay kasoo horjeedaan.
-
4-Shaqo ama waxbarasho ah: Dowlada Norwey ayaa soo jeedisay in uu qofka ugu yaraan shaqeeyo ama waxbarto afar sano si uu ugu dacwaado xaas cusub. Sharcigan waxa uu khuseeyaa qofka aan horey u guursan inta uusan Norwey imaanin, balse meel wadanka dibadiisa ah kusoo guursaday isaga oo Norwey joogo, isla markaana raba inuu qoyskiisa keeno Norwey. si aad qofkaas wadanka u keentid waa inaad ugu yaraan afar sano shaqaysid ama waxbaratid. Qodobkan waa laga yaabaa(lama hubo) inuu meel-maro, maadaama xisbiyada qaarkood baarlamaanka ku xoogan ay dhaliilsanyihiin.
-
In hoos loo dhigo xiliga klagaha: Hadii sharciga laguu diido maanta, waxaad haysataa sadex isbuuc oo aad kaga soo dacwoon karto, isla markaana aad klage ama dacwo soo gudbin kartid. Dowlada Norwey ayaa rabta inay sadexdaas isbuuc ka dhigto hal isbuuc. Qodobkan lama oga wuxuu noqon doono, maadaama xisbiyadu ay ra-yigooda ka-wada dhiiban
-
Qodobka 24-saac: Dowlada Norwey ayaa soo jeedisay qodob kale oo ah in qofka ka yimaado wadan nabad ah sida kenya oo kale aan codsigiisa la qiimeyn ee laga soo hormariyo dadka ka yimid wadamada dhibaatadu ka jirto. Markii waqti loo helana codsigiisa lagu dhameeyo 24-saac, isla markaana la siiyo isbuuc uu kaga soo dacwoodo, hadii isbuucaas dhamaadana wadanka laga bixiyo: Qodobkana lama oga waxa uu ku dhamaan doono.
-
Qodobka 24-ka sano: Dowlada Norwey ayaa soo jeedisay, in hadii uu rabo inuu qof xaaskiisa ah u dacwoodo uu noqdo ugu yaraan 24 sano. Tusaale ahaan, hadii adiga oo 20 sano jiro aad Norwey iska soo dhiibtay ama lagu keenay, waa inaad 24 sano buuxisaa si aad qof xaaskaaga ama ninkaaga ah aad ugu keentid wadanka. Sidoo kale qofka aad xaas ahaan u dacwoonaysid asna waa inuu jiraa ugu yaraan 24 sano Qodobkana lama oga waxa uu ku dhamaan doono.
-
Wadan sadexaad oo nabad ah: Dowlada Norwey ayaa soo jeedisay in hadii qoyskaagu uu joogo wadan sadexaad oo nabad, laguu diidi karo inaad keento Norwey. Tusaale ahaan; Hadii aabe soomaaliyeed oo Norwey joogo uu raba inuu u dacwoodo qofkiisa oo wax badan daganaa Ethopia ama Kenya, in loo diidi karo inuu qoyskiisa keeno halkan, maadaama ay daganyihiin wadan sadexaad oo nabadi ka jirto, aabuhuna uu aadi karo, inta uu qoyska halkan uu keeni lahaa. Qodobkana lama oga waxa uu ku dhamaan doono.
-
In xuduudka lagaa celin karo: Dowlada ayaa soo jeedisay in hadii uu qofka faro ku leeyahay wadan kale oo yurub lagu baari karo, isla markaana xuduudka laga celin karo, iyada oo lagu celinayo wadankii uu ka yimid ama uu soo maray markii hore. Qodobkana lama oga waxa uu ku dhamaan doono.