Waxaa wali socda hoos u dhaca dadka magangalyada waydiisanaya wadanka Norwey, iyada oo bishii lasoo dhaafay dad tiro ahaan gaaraya 195 ay iska soo dhiibeen Norwey. Waxaana dadkaas kamid ah 14 qof oo soomaali, taas oo tirada guud ee soomaalida Norwey iska soo dhiibtay sanadkan ka dhigaysa 93 qof. Isku dar waxaa Norwey magangalyo waydiistay dad gaaraya 1407, tiradaas oo ah midii ugu yarayd tan iyo sanadkii 1991. Dadka ugu badan ee iska soo dhiibay waxay ka yimaadeen wadamada Siiriya, Afgaanistaan, Ciraaq, Ereteriya iyo Soomaaliya.
Tirada guud ee dadka soomaaliyeed ee kujiro kaamamka Norwey ayaa hada gaaraya 800 oo qof iyaga oo u qaybsama sidatan:
77 sharciga helay oo sugaya in uu kommune qaato, 51 sharciga helay balse aan sugayn in uu kommune qaato, 233 magangalyo codsaday(isdhiibay) oo wali jawaab sugaya, 114 sharciga loo diiday oo klage bixiyay(ka dacwooday), 17 codsigoodii magangalyo ka noqday, 308 sharciga loo diiday isla markaana lagu amrey inay wadanka isaga baxaan.
Soomaalida ayaa ah dadka ugu badan ee sharciga loo diiday ee wali dagan kaamamka Norwey, waxaa la is dhihi waa sababta ku qasabtay dowlada Norwey inay heshiis ama wadahadal la furto dowlada Norwey, si dadka soomaaliyeed ee aan sharciga helin wadankii loogu celiyo.
Dowlada Norwey talada haysa oo uu kujiro xisbiga FRP ayaa geed gaaban iyo mid dheerba u fuushay si ay u dhinto tirada dadka iska soo dhiibayo Norwey oo sanadkii hore kor u dhaaftay 31.000. Iyaga oo soo rogay sharciyo nolosha lagu ciriirinayo qofka magangalyo doonka, si uusan ugu soo dag-dagin inuu Norwey iska soo dhiibo. Waxaana moodaa inay ku guulaysteen ujeedadooda ilaa hada, maadaama uu wax badan hoos u dhacay tirada dadka iska soo dhiibayay Norwey sanadkan aan kujirno. Wadanka Sweden ayaa waxaa sanadkan iska soo dhiibay dad tiro ahaan gaaraya 13.350 sanadkan aan kujirno.
Xigasho: UDI(Asylmottak) og UDI(Asylsøknader etter statsborgerskap)