Qofka ugu yar ee Norway u dhintay xanuunka, waa 62 jir.

0
148

Ilaa inta la xaqiijiyay 25 qof ayaa u geeriyooday xanuunka Corona-virus, sida ay xaqiijisay laanta ilaalinta caafimaadka dadweynaha ee FHI. Waxaana tirada dadka geeriyooday maanta kusoo korortay 2 qof.

Sida ka muuqato tirakoob ay sameeyeen hey´addaha caafimaadka Norway, qofka ugu yar ee xanuunkan ilaa hada u geeriyooday ayaa da´ahaan jiro 62 sano, halka qofka ugu weyn ee u geeriyooday uu da´ahaan jiro 95 sano. Isku cel-celis da´da dadka xanuunkan u geeriyooday ayaa noqoneyso 84 sano.

Ilaa hada waxaa la xaqiijiyay in xanuunkan uu ku dhacay 4241 qof, kuwaas oo 317 kamid ah ay jiifaan isbitaalada. 91 kamid ah dadka xanuunka uu soo ritay ayaa lagu hayaa mashiinka neefta lagu hayo.

11 qof oo kamid ah dadka uu xanuunka soo ritay, ayaa sida ay FHI xaqiijisay da´ahaan ka yar 40 sano.

NB: Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, riix halkan, barteena youtube-ka, kadibna Subcribe(Abonner).

Xigasho/kilde: FHIs oversikt over de 22 første dødsfallene viser at den yngste av dem var 62 år gammel.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments