fredag, april 26, 2024

Norway oo 194 maxaabiis ah xabsiyada kasii deysay.

Sida ay qortay wakaalada wararka NTB, Dowlada Norway ayaa isbuucyadii ugu danbeeyay xabsiyada kasii deysay 194 qof oo maxaabiis ah, si loo yareeyo khatarka faafitaanka xanuunka Corona-virus.

Hey´adda qaabilsan ilaalada maxaabiista ayaa sheegtay inay go´aansadeen in la yareeyo tirada maxaabiista soomaalida ah ee xabsiyada Norway ku xiran, si ay u yaraato faafista xanuunka covid-19 ee xabsiyada Norway.

Go´aankaas ayaa sababay in xabsiyada laga sii daayo dadka ku xukunaa danbiyada yar-yar, iyada oo loo tixgalinayo inaysan jirin sabab amni xumo oo ay bulshada kusoo kordhin karaan.

Sidoo kale dad u balansanaa in la xiro ama xabsiyada looga yeero, ayaa iyagana dib loo dhigay u yeeritaankooda xabsiga.

F.G: Si aad ula socoto wararka NorSom News oo maqal iyo muuqaal ah, halkan riix, kadibna Subcribe/Abonner.

Xigasho/kilde: 194 innsatte løslatt før tiden for å redusere smitterisiko

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x