fredag, april 26, 2024

Xog: Qodobkan ayaa hortaagan in khilaafka Towfiiq la dhameeyo, 4 maalin ayaana ka dhiman xiligii la qabtay.

Sida ay NorSom News xog ku heshay, waxaa hakad gaaban uu soo galay dhameystirka xalka khilaafkii maamulka masaajidka Towfiiq ee ka dhaxeeyay labada koox ee soomaalida ah. Kaas oo intiisa badan xalkiisa lagu heshiiyay, la islana meel dhigay. Balse waxay hada soo baxday inuu wali jiro qodobo farsamo ahaan lagu heshiin la´yahay, kuwaas oo hortaagan in howshaan lasoo afmeero.

Sida aan horey u sheegnay, maamulka ururka ay ku mideysanyihiin masaajida ay soomaalidu maamusho(Maraakiista), ayaa dhamaadka bishii hore u istaagay xal u raadinta khilaafkan sababay in masaajidku arintiisu ay tagto meel adag. Waxaana labada koox ee is heysata gogol loo dhigay, la isuguna geeyay magaalada Drammen. Halkan kasii akhri

Dhowr iyo toban qodob oo lagu heshiiyay iyo kuwo la isku mari la´yahay farsamo ahaan:

Waxaan xiriir la sameynay maamulka maraakista isku xilsaartay howshan, waxaana ka codsanay inay nala wadaagaan xogta arintan oo soomaalida Norway ay aad ugu dhag taageyso. Maamulka ayaa noo sheegay inay wali kujiraan xalka howshan, ayna war kasoo saari doonaan marka ay dhameeyaan ama ka gacan taagtaan.

Waxey guud ahaan noo sheegeen inay jiraan dhowr iyo toban qodob oo lagu heshiisiiyay labada dhinac, balse ay wali dhimanyihiin qodobo la xiriira farsamada iyo sharciyeynta heshiiskan, si loogu gudbiyo maamulka gobolka Oslo oo ah kan waqtiga u qabtay in khilaafkaas xal laga gaaro.

Qodobkan ayaa la isku mari la´yahay:

Maraakiista iyo labada koox ee is hayaba nooma sheegin qodobada ay isku heystaan farsamo ahaan, balse NorSom News ayaa dhanka kale dad xog ogaal ah ka xaqiiqsatay in qodobka ugu weyn ee farsamo ahaan la isku mari la´yahay, uu yahay mid ku saabsan dadka kamid noqon karo maamulka cusub ee masaajidkaas lagu heshiiyay in loo dhiso.

Waxaa markii hore lagu heshiiyay inay maamulka cusub aysan kamid noqon dhamaan shaqsiyaadkii labada dhinac katirsanaa, qeybtana ka ahaan ama saameynta ku lahaa khilaafka maamulka masaajidka ee socday mudada labada sano korka u dhaafeyso.

Waxaa naloo sheegay in qodobkaas markii hore la isla qaatay, balse farsamo ahaan ay markii danbe kasoo horjeesteen mid kamid ah labada dhinac ee is heysata, halka kuwo kalena ay diidaan inay ka tanaasulaan. Walina waxaa lagu howlanyahay sidii arintaas xal looga gaari lahaa.

Xiliga shanta isbuuc aheyd ee maamulka gobolka Oslo uu u qabtay in soomaalidu ay xal uga gaaraan khilaafka masaajidka, ayaa ku eg isniinta soo socoto oo ku beegan 21-ka bishan January. Maamulka gobolka Oslo ayaa ka digay inay ururka maamula masaajidka ka tirtiri doonaan liiska ururada diimaha, hadii aysan soomaalidu dhexdooda xal gaarin. Halkan kasii akhri

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x