Feyris ka dilaacay Shiinaha oo walaac xoogan laga qabo inuu faafo.c

0
210

Faafidda feyris hargab oo kale ah oo ku dhaca neef mareenka ayaa si xawli ah ugu sii fidaya dalweynaha Shiinaha, waxaana sidaasi ka digay madaxwaynaha Shiinaha Xi Jinping.

Mdaxwaynaha ayaa kulan degdeg ah isugu yeeray sarakiisha dowladda xilli dalkaasi looga dabaaldagayo sanadka cusub ee Shiinaha ee Lunar.

Dalka waxa uu wajahayaa «Xaalad qalafsan» waxaa uu Mr Xi sidaasi u sheegay saraakiisha sarsare.

Feeriska ayaa waxaa ilaa iyo imika u dhintay ugu yaran 56, halka uu guud ahaan Shiinaha uu soo ritay dad gaaraya 2,000.

Waxaa aqlabiyada dadka uu cudurkan soo ritay ay ku nool yihiin magaalada Wuhan.

Dowlada Norway iyo wadamada kale ee Midowga Yurub katirsan ayaa ka digayo faafista cudurkan oo dilaa noqon karo, waxaana warbaahinta dalalka maalmahan aad looga hadalhayaa cudurkan.

Xarunta xakamaynta cudurada faafa ee ee digniino kala duwan kasoo saarayo faafitaanka cudurkan, xilli ay dowladda Shiinaha ku dhawaaqday in tirada dhimashada cudurkan ay sii koradhay.

Cudurkan oo hadda loo yaqaanno 2019-nCoV, waxaa la aaminsan yahay inuu yahay nooc caabuq ah oo ka mid ah xanuunka coronavirus, kaasoo aan horay loogu arkin bani’aadanka.

Sars, oo ah caabuq aad u xun oo neef mareenka ku dhaca ayaa ku dhawaad 800 oo ruux ku dilay caalamka horaantii sanadihii ka dambeeyay 2000, wuxuuna qudhiisa qeyb ka ahaa cudurka coronavirus.

Tijaabooyin badan oo laga qaaday bukaannada ayaa lagu baaray sheybaarka.

Saraakiisha Shiinaha iyo WHO ayaana sheegaya inay baaritaanka ku heleen in caabuqu uu yahay coronavirus.

Calaamadaha qofka ay ku dhacaan caabuqyadan waxaa ka mid ah hargab, iyo sidoo kale xanuun dhanka sambabbada ah, coronavirus ayaa 774 qof oo ka tirsanaa 8,098 qof oo fayrasku uu ku dhacay ku dilay Shiinaha sanadkii 2002.

Xigasho/kilde: BBC-SOMALI

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments