Gudi: Hey´adda PST oo lagu eedeeyay inay sharci daro ku uruurin jirtay xogaha la xiriira safarka dadka.

0
95

Gudiga baarlamaanka Norway u qaabilsan dabadagalka iyo hubinta xogaha la xiriira arrimaha sirdoonka, ayaa hey´adda sirdoonka ee PST ku eedeeyay inay sifo aan sharci aheyn ku heli jireen xogaha la xiriira safarada dadka.

PST-da ayaa uruurin jirtay xogo badan oo la xiriira safarada dalka gudihiisa iyo dibada ee dadka qaarkood, waxeyna xogahaas kala soo bixi jireen keydka macluumaadka ee shirkadaha diyaaradaha iyo kuwa tigidada.

Macluumaadka qofka ay hey´addan lasoo bixi jirtay ayaa waxa kamid ah magaca qofka, numberka passportka, meesha uu u socdo, kaarkiisa bangiga, inta uu wadanka ka maqnaanayo iyo waliba xitaa dadka ka agdhow ee la safraya.

Gudiga baarlamaanka ayaa arintaas ku tilmaamay sharci daro, waxeyna hey´adda sirdoonka ku eedeeyeen inay ku kacday fal sharciga hareermarsan.

PST ayaa ku andacootay inay u baahnaayeen xogtaas, si ay uga hortagaan falal amni daro ama argagaxiso oo gudaha Norway ka dhaca. Balse waxey sheegeen in eedeynta baarlamaanka ay u qaadan doonaan si dhab ah, ayna ka dadaali doonaan inaysan mar kale dhicin arin sharciga hareermarsan.

Xigashi/kilde: Mener PST drev ulovlig innhenting av flypassasjeropplysninger

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments