Solberg: Dhamaan wasaaradaha dowlada hala baaro..Fadeexadii NAV.

0
83
Kulanka golaha wasiirada Norway. Foto: Torgeir Haugaard/Forsvaret

Dhowrkii isbuuc ee tagay waxaa guud ahaan Norway gilgilay fadeexad lasoo daristay xafiiska shaqada ee NAV, kaas oo ku saabsan sharci ay si qaldan u turjumeyn shaqaalaha NAV oo galaaftay kumanaan qof.

Shaqaalaha hey´adda NAV ayaa si qaldan u turjumay sharci ku saabsan heshiis ay Norway la gashay wadamada katirsan midowga Yurub ee EU-da.

Reysulwasaaraha Norway, Erna Solberg ayaa dhamaan wasiiradeeda ka codsatay inay baaraan wasaaradaha ay xukumaan, si ay u hubiyaan inay jiraan sharciyo kale oo si qaldan loo turjumay, lana mid noqon kara qaladkii ay sameysay NAV.

Solberg ayaa dhamaan wasiiradeeda ku amartay inay daba-gadin ku sameeyaan dhamaan wasaaradaha ay xukumaan iyo hey´addaha, xafiisyada iyo wakaaladaha hoos tago. Ayna baaraan sharci si qaldan loo turjumay oo saameyn yeelan karo, sidoo kalena ay kasii hortagaan sharci si aan sax aheyn loo turjumi karo.

Xigasho/kilde: Slår full NAV-alarm: Alle departementer skal under lupen.

Subscribe
Notify of
guest

Dette nettstedet bruker Akismet for å redusere spam. Lær om hvordan dine kommentar-data prosesseres.

0 Comments
Inline Feedbacks
View all comments