fredag, april 26, 2024

TV2: Ninka la qabtay, wuxuu katirsanaa koox xagjir midigta fog ah.

Booliska Oslo ayaa daqiiqado kahor soo dhameeyay shir jaraaid oo ay uga hadlayeen dhacdadii uu ninka Norwiijiga ah ku afduubtay baabuurka, uuna ku dhaawacay, kuna jiirsiiyay dhowrka qof.

Booliska ayaa sheegay in ninkan uu yahay qof ay horey u yaqaaneen, xiriir horena ay la sameeyeen. Waxeyna sheegeen in baabuurka uu watay ay ka heleen qori iyo biskoolad.

Su aalaha la weydiiyay booliska, ayaa waxaa kamid aheyd in ninkan uu katirsanaa kooxaha xagjirka ah ee midigta fog, waxeyna boolisku ku jawaabeen inay ka warqabaan in ninkan uu kamid ahaa koox xagjir midigta fog ah. Balse ay baarayaan xiriirka ay arintaas la lahaan karto dhacdadan.

Waxeyna ka gaabsadeen inay warbixin dheeri ah ka bixiyaan aqoonta ay u leeyihiin ninkan Norwiijiga oo ay qabteen iyo danbiyada horey loogu xukumay.

Ninka falkan loo qabtay ayaa ah 30 sano jir, waxaana lala qabtay haweenay 25 sano jir ah.

Wixii arintan kusoo kordha dib ayaan kasoo gali doonaa.

Xigasho/kilde: TV2.NO

Latest news
Related news
error: Digniin: Ha isku dayin in copy gareyso wararka aan daabacno. Waan kula soconaa.
0
Would love your thoughts, please comment.x
()
x